"Qeybta 2.aad", Siyarada Mashaa'iqda ee Magaalada London (Sawiro)

0
Wednesday November 20, 2013 - 22:32:25 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qeybta 2.aad", Siyarada Mashaa'iqda ee Magaalada London (Sawiro)

    Waa Qeybti 2.aad Muuqaalada Siyaaradi masha'iqda ee lagu dhigay magaalada London ee daawasho wacan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qeybti 2.aad Muuqaalada Siyaaradi masha'iqda ee lagu dhigay magaalada London ee daawasho wacan Magaalada London ee caasimada wadanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa waxa maalinimadi shalay oo taariikhda kubeegned 17/11/13 lagu soo gaba gabeeyay siyaaraadka Caalimiika Caarifiinta Sheekh C/raxman Sheekh Cumar iyo Sheekha Cilmiga iyo wilaayada kadhaxlay ee curudkiisa ahaa Sheekh Muxumed Sheekh C/raxman SHeekh Cumar. Siyaaraadka Masha’iqda ayaa waxa kasoo qeybgalay culuma’udiinka iyo guud ahaan qeybaha kala gadisan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada London ayaa waxa la aqriyay qadmooyinka Qur’aanka Kariimka , Subacyo, Tawaasulaad, Muxaadarooyin iyo xilqooyin Dikri ah .

Muxaadarooyin ruxay qalbiyada dadki kasoo qeybgalay isal markaana siweyn looga faaleeyay taariikhda iyo halganka fidinta diinta islaamka ee usoo galeen masha’iqda la siyaaranayo gaar ahaan shiikheena Sheekh C/raxman sheikh Cumar ayaa waxa halkaa kajeediyay culimadi kasoo qeybgashay siyaaraadka oo uhoreeyay Sheekh Maxamed Kulmiye Axmed, Sheekh Axmed Xuseen iyo Sheekh Axmed Caato.

Muxaadarooyinka kadib ayaa waxa la oogay xilqooyinka dikriga Uweysiyada, Seyliciyada iyo dikriyo kale oo aad umacaan badan isal markaana qushuuc iyo maxabo gaar ah kureebay kasoo qeybgalayaashi.

Siyaarada masha’iqda ayaa sanadba sanadka ka dambeeyo waxa sii kordhayay jameecaadka kasoo qeybgalaya siyaaraadka masha’iqda iyadoo jameecooyinka sanadkaan soo xaadiray iyagoo xili cimilo qabow lagu jiro kasoo talaabay gobolo fog fog waxa kamid ah , Jameecada Reer Sheekh C/raxman Suufi (Qudbul Banaadir), jameecada reer Sheekh Maxamed Faqay Yuusuf, Jameecada Reer Macalin Nuur, iyo guud ahaan Culimada iyo axbaabti kasoo jeeday ama ku abtirsata Ahlusunah Waljamaac oo sanadkaani siweyn usoo camiray siyaaraadka Masha’iqda.

Gunti iyo gunaanadki siyaaraadka ayaa waxa halkaa culimadi kasoo qeybgashay ugu duceeyeen umada Muslimiinta Meel kasta oo ee joogaan gaar ahaan Umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale culimada waxey si gaar ah ugu duceeyeen dhamaan qudumadi habsami uqabsoomida Siyaarada gacanta weyn ka geestay iyagoo eebe uga baryay in danbi dhaaf iyo ajir aan lasoo koobi Karin kusiiyo dhamaan wixi culeesyo ee tabayaana Alle ka qaado.

Jawiga Siyaarada ayaa kusoo dhamaaday farax iyo saruur

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada
Riix Halkaan


W/D: Abdirahman Mohamed Mohamud (Abdi Yarre)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip