Siyaarada Masha'iqda oo lagu soo qatimay Addis Ababa (Sawiro)

1
Tuesday November 26, 2013 - 20:42:06 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 6323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Siyaarada Masha'iqda oo lagu soo qatimay Addis Ababa (Sawiro)

    Magaalada Addis-ababa oo ah Xarunta dalka Ethiopia gaar ahaan Xaafada Hayaarad ama Maganaya 24 ayaa waxaa maalinimadii shalay aheyd oo ay ku beegneed Taariikhda Miilaadiga 25/11/2013 Hijriyadane 22/1/1435 lagu qabtay siyaarada Culamaa'udiinkii S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Addis-ababa oo ah Xarunta dalka Ethiopia gaar ahaan Xaafada Hayaarad ama Maganaya 24 ayaa waxaa maalinimadii shalay aheyd oo ay ku beegneed Taariikhda Miilaadiga 25/11/2013 Hijriyadane 22/1/1435 lagu qabtay siyaarada Culamaa'udiinkii Soomaaliyeed ee ku maqaam gaaray fidinta diinta Rabbi ka raali noqday ee Islaamka Sh C/raxmaan Sh Cumar oo ku magac-dheer (Sh. Cabdi Celi) iyo Shiikha wiilkiisa ah ee Sh Muxamed Sh C/raxmaan.
Siyaarada Culamaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa aalaaba xilligaan oo kale lagu qabtaa daafaha Caalam-ka iyadoo magaalada Addis-ababa ay kamid tahay goobaha sida weyn looga sameeyo xuska Culamaa'udiinkaan iyadoo Jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaasi kusugan aysan ukala harin qaban qaabinta xuska Mashaa'ikhda.

Sida Caadada u ah Culamaa'udiinka Ahlusunna Waljameeca meelkasta ay joogaan ayaa waxaa xuska Mashaa'ikhda lagu bilaabay qadmooyin qur'aan aqris ah oo in muddo hore loosoo aqrinaayey kahor inta aan maalimhi u danbeeyey la gaarin.

Sidoo kale Subacyadii Qur'aanka kariimka ah ayaa ayagane meesha ka marneyn oo 114-ta Qur'aan kariimka ah la dajinaayey waxaana sidoo kale la aqriyey Salawaatka Rasuulka CSW iyo qaar kamid ah qasaa'idka Owliyada Ilaahey oo ay kamid ahaayeen Owliyadii la siyaaraneyey ee Sh C/raxmaan Sh Cumar iyo Sh Muxamed Sh C/raxmaan.

Culamaa'udiinkii kasoo qeybgalay Xuska Mashaa'ikhda ayaa waxa ay halkaasi kasoo jeediyeen muxaadarooyin qiiro galiyey kasoo qeybgalaashii siyaarada waxaana kamid ahaa Culimadii ka hadashay xuska Mashaa'ikhda:

Sh Cabdirisaaq Sh Axmed Yaasiin oo ah faraca Sh Maxamed rabiic oo si weyn looga yaqaano dalkeena Soomaali gaar ahaan gobolada-dhexe, gobolada Waqooyi-bari iyo gobolada Waqooyi Galbeed ayaa waxaa uu halkaasi kajeediyey muxaadro qiiro weyn galisay xaadiriinta siyaarada muxaadardaas oo u dhaceysay laba qeybood 1. Banaanashada xuska Owliyada Ilaahey ee diinta Islaamka wax weyn usoo qabtay 2. Iyo in Owliyada Ilaahey ay leeyihiin Tasaruf waxaana uu shiikha ku dheeraada kahadalka labadaas qodob isagoo saaray Axaadiith-ta Rasuulka CSW kuwooda saxiixa ah.

Sh Muxamed Cali Yuusuf oo asigane kamid ah culamadii kasoo qeybgashay siyaarada Mashaa'ikhda ayaa waxaa uu ka hadlay muxaadaro ku saabsan taariikhda iyo halgankii ay Culamada Soomaaliyeed gaar ahaan Culamada la siyaaranayey usoo galeen intii ay ku guda jireen fidinta diinta Islaamka waxaana tariikhdaas macaan la riyaaqay dhammaan kasoo qeybgalayaashii Siyaarada.

Sh Muxamed Cali Yuusuf oo ku dheeraaday ka sheekeynta Culamada ayaa waxa uu kusoo qaatay muxaadaradiisa qiso kayaabisay kasoo qeybgalayaashii siyaarada oo aheyd in nin Nagerian oo Suufi ah ay isku barteen Social Network kaas oo ii sheegay buu yiri inuu heysto dariiqada Qaadiriyada ah oo uu sheegay in ay kasoo gaartay dalka Soomaaliya isagoo tilmaamay inuu ahaa shiikha dhulalkaas gaarsiiyey Sh Uweysul Qaadiriya oo ah shiikha dhilkeena iyo dariskaba ku faafiyey dariiqada waxaana uu tiriyey Culama farabadan oo Soomaaliyeed oo caan ku ah dariiqada Qaadiriyada.

Sidoo kale Culamaa'udiin kale oo farabadan ayaa halkaasi kahadashay oo aan halkaan lagu soo koobi karin ayagoo dhammaan dadka faray in lala yimaado Alle kacabsi.

Dhinaca kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay xelqada kamid ah xelqooyinka duruuqu suufiyah oo lagu magacaabo Uweysiya taas oo uu hogaaminaayey Shiikh Shamsudiin Shiikh Cuthmaan Shiikh Sheegow Shiikh Uweys Alqaadiri waxaana Sh Shamsudiin iyo jameecadiisa ay halkaasi kusoo bandhigeen xadro macaan oo ay la dhaceen dhammaan kasoo qeybgalyaashii siyaarada ayagoo moodayba in lajoogo baraxdii weyneed ee kutaala xurunta mashaa'ikhda ee warshiikh.

Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay oo kala ah:

1) Sh Axmed Ceynaanshe
2) Sh Cabdirisaaq Sh Axmed Yaasiin
3) sh C/laahi Maadix oo ahaa ninka qaabishan madxiga qeybahiisa kala gedisan
4) Sh Muxamed Cali Yuusuf
5) Sh Axmed Naasir
6) Sh Farxaan Qaasim
7) Shiikh Shamsudiin Shiikh Cuthmaan Shiikh Sheegow Shiikh Uweys Alqaadiri
Sh Ismaaciil

Iyo Culamaa'udiin kale oo farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Qaar kamid ah magacyada Subacleyda kasoo qeybgalay siyaarada:

1) Macalin C/llaahi Xasan oo ah toosiyaha ama ilaaliyaha hanaanka subaca
2) Sh Muuse Sh Xasan Cadde
3) Macalin Xasan Cilfaafa
4) Sh Yuusuf
5) Macalin Ismaaciil
6) Macalin Mahad
7) Macalin C/qaadir
Macalin bashiir
9) Sh Abuukar maxamuud Faarax
10) Macalin Xasan Maxamuud Cabdulle (Xusuley)

Qaban Qaabada Siyaarada Mashaa'ikhda:

1) Maclin Xasan Maxamuud Cabdulle (Xusuley)
2) Sh abuukar Maxamuud Faarax
3) Xasan Tooxow
4) Cumar Cali Socor
5) Liibaan Xasan
6) Maryan Camalow
7) Salaado Cadow Gacal
Sahra Baraxow
9) Faadumo Cabdule
10) Sh Muxudiin Jingaab
11) Sh Abuukar
12) Xasan Cumar
13) Sh Xasan Maxamuud Iidow
14) Sayid Cali Macalin Seerjito
15) Cubeydu Raxamaan
16) Macalin Asad (Sanyare)
17) Cumar Shikh Axmed Sh Muxumad.

Gaba gabadii iyo gunaanadkii siyaarada ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay jawi dagan iyadoo halkaasi looga duceeyey dhammaan kasoo qeybgalayaashii siyaarada iyo dhammaan intii siyaarada dhigitaankeeda gacan ka geysatay hadey ahaan laheyd wax bixin iyo habsami uqabsoomida siyaarada sida cajiibka ah kusoo idlaatay waxaana aakhirkii dalkeena Soomaali Alle looga baryey inuu dhibaatada ka qaado oo nabad iyo degnaansho dib ugu soo celiyo mashaa'ikhda fadligooda.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan


Sawir Qaade: Macalin Asad (Sanyare)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip