Suldaan Aweys oo baaq udiray waxgaradka Beesha Celli Cumar .

0
Sunday December 15, 2013 - 13:28:59 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Aweys oo baaq udiray waxgaradka Beesha Celli Cumar .

    Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, Suldaanka beesha Celli Cumar oo isaga oo kusugan wadanka Australia warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu baaq hawada umariyay guud ahaan waxgaradka beesha Celli Cumar isagoo ku baaqay gogol nabadeed oo looga tashanayo aaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaan Aweys Suldaan Maxamud, Suldaanka beesha Celli Cumar oo isaga oo kusugan wadanka Australia warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu baaq hawada umariyay guud ahaan waxgaradka beesha Celli Cumar isagoo ku baaqay gogol nabadeed oo looga tashanayo aayaha Beesha. "Waxa ugu baaqaya guud ahaan waxgaradka Beesha Celli Cumar ee ku kala sugan daafaha caalamka iney qabtaan kulamo looga tashanayo aayaha beesha iyo isla markaana lagu xoojiyo midnimada iyo nabad kunoolaanshaha”, ayuu Yiri Suldaanka beesha Celi Cumar.

Suldaan Aweys mar aan wax ka weydiinay waxa kusoo beegay xiligaani baaqiisa ayuu ku jawaabay, "Baaqa waa mid nabadeed oo aan uga gol-leeyahay in bulshada ku abtirsato Beesha Lixda Celli Cumar ee isugu timaado isla markaana uga tashato aayaha beesha iyo isla markaana usameestaan hogaan hadii ahaan laheed jaaliyadaha kunool Qurbaha iyo kuwa kusugan gudaha ”, ayuu yiri suldaan Aweys Suldaan Maxamud.

Suldaan Aweys ayaa isaga qudhiisa balan qaaday inuu socdaalo laxiriiro arintaani uu ku kala tagi doono Wadamada ee ku badan yihiin Qurba joogta beesha isla markaana uu ku wacyi galin doono sida ee maamulo ugaar ah iyo mid guud oo ay kumideesan yihiin usameesan lahaayeen.

Dhanka Kale Suldaanka ayaa waxa uu fariintaani si gaar ah ugu hibeeyay Aqoonyahanada, Culimada, Dhaqanka iyo Ganacsatada Beesha ee kusugan gudaha dalka iney arintaani u istaagaan isla markaana ee kubaaqaan kulan balaaran oo is warsi iyo aayo katashi ah .

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip