Maamulka Masjidka Khulufaa'u Raashidiin ee Switzerland oo Xaflad udhigay Arday Culuumta diiniga kabarata Masjidkaasi (Sawiro + Video)

0
Tuesday December 24, 2013 - 22:12:03 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Masjidka Khulufaa'u Raashidiin ee Switzerland oo Xaflad udhigay Arday Culuumta diiniga kabarata Masjidkaasi (Sawiro + Video)

    Waxaa laguqabtay Magaalada Zürich ee dalka Switzerland Xafladi sanadlaha eheed ee Ardayda Masjidka KHulafaa'u Raashidiin ee Ahlusunah Waljamaacah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa laguqabtay Magaalada Zürich ee dalka Switzerland Xafladi sanadlaha eheed ee Ardayda Masjidka KHulafaa'u Raashidiin ee Ahlusunah Waljamaacah.  Xaflada oo ahayd mid aad u qurux badan farxadna laga dheehan karo ayaa waxa si wadajir ah usoo diyaariyay Mashaa’iqda Masjidka iyo Waalidiinta Ardayda iyadoo si wadajir ah ahna munaasabadaani uga soo wada qeybgaleen dhammaan Waaliddiinta , Macallimiinta iyo Ardayda dhigata xifdinta Qur’aanka Kariimka ,Siirada Nabiga NNKH, Tajweed, Fiqiga ,iyo Caqiidada.

Munaasabadaan aadka uqiimaha badneed ayaa waxa ugu horeyn lagu fur furtay Aadayo Qur’aan ah oo uu aqriyay Fadiilatu, Cabduqadir Abshir iyadoo intaa kadib Nashiido aad umacaan badan oo ruxday qalbiyada waalidiinti iyo marti sharafka kale ee kasoo qeybgalay munaasabada ee aqriyeen Ardayda Masjidka Khulufaa’u Raashidiin

Xiriiriyaha Xaflada Macalin Maxamad (Macsaro) ayaa kusoo dhaweeyay Fadiilatu Sh Axmad (Duuri) oo siweyn uga hadlay kuna dheeraaday kasheekeenta fadliga uu leeyahay Qur’aanka oo labartaa iyo faa’iidada aduunyo iyo aaqrio ee laga dhax helayo barashada Qur’aanka.

Sidoo kale Fadiilatu Sheekh Mudaf Cali Khaliif ayaa isna ka hadlay mowduuc aad muhiim ugu ahaa dadki kasoo qeybgalay munaasabada kaasi oo la xiriiray tarbiyada cuaruurta ee waafaqsan Manhajka Islaamiga ah .
Ijaazadii Ardayda ayaa waxaa bixiyay Macalin Cumar Macalin.
Macalin Abukar Macalin.
Macalin Alin Macalin.
Macalin Cabdalla Ciisa .
iyadoo sidoo kalena ardayga ugu ijaazada iyo waxbarasha badnaay lagudoonsiiyay Maxamad Cabdullaahi Muhsin.



Gabagabadi iyo gunaanadka Xaflada ayaa waxa soo xiray Mudiirka Masjidka Macalin Nuur Macalin Carabey oo soo jeediyay Qudbad aad uqiimo badneed taabatayna dhinacyo badan, waxa uuna sidoo kale mudiirka shaaciyay in Manhajka caruurta wax lagu barayo uu yahay kii Jaamacada Azhar ee Masaarida, isagoo ugu dambeenti uga mahad naqay Mashaa’iqda, Waalidiinta iyo dhamaan marti sharafka kale ee kasoo qeybgalay munaasabadaani isagoo sidoo kalena Alle kabaryay inuu badiyo munaasabadaha nuucaan oo kale uuna kasiiyo Ajir iyo Xasanaad.

Dadweynaha iyo dhamaan waalidiinta ka soo qeybgashay xaflada ayaa aad uga mahad celiyey macalimiinta ardayda baraneeso Qur’aanka Kariim iyo Mawaad kale kuwaas oo ku nool dal aan Islaam ahayn.

Soo dhaweynti Yuusuf Macalin iyo Ismaaciil Yare.....
Kaamirada ustaad abshirow


Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip