Wafdi uu hogaaminayo Mr Wei Hongtian siihayaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qiimeyn ku sameyn doono goobaha ay dib u dayactirka ku sameynayaan.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaasi ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim "Yuusuf Dheeg” saraakiisha habmaamuuska qaranka iyo xubno kale oo Wasaaradda arrimaha dibedda ka tirsan.
Mas’uuliyiinta ka socota dalka Shiinaha ayaa waxa ay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda kula kulmeen Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadam, oo ay ka wada hadleen xoojinta cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada, sidii ay u fulin lahaayeen balan qaadyadii ay horey u sameeyeen dowladda Shiinaha iyo in ay dib u furtaan safaaraddii ay ku lahaayeen Dalka.
Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay kulan la qaateen Xoghayaha joogtada ah Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Abuukar Daahir Cismaan oo ay isla soo hadal qaadeen sidii ay dowladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd dib u dhiska dalka.
Xoghayaha joogta ee Wasaaradda arrimaha gudaha Abuukar Daahir Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankooda uu ku so dhamaaday guul.
"Wafdigan u jeedadoodu waxa ay tahay sidii ay u fulin lahaayeen balan qaadkii mashaariicdii ay horey u balan qaadeen, sidoo kale maalmaha ay joogaan waxa ay qiimeyn ku sameynayaan meelaha ay dib u dayactirka ka bilaabayan” ayuu Abuukar hadalkiisa ku daray.
Wafdigan uu hogaaminayo Mr Wei Hongtian siihayaha Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya oo ka kooban sadax xubnood ayaa waxa ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta kulan kula qaateen Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Warfafinta C/shakuur Cali Mire oo ay isla soo hadal qaadeen suurta galnimada dib u dhiska tiyaatarka qaranka oo ka mid ah xarumaha ay Dowladda Shiinaha u dhistay Soomaaliya.
Wafdi kasocda Shiinaha oo Muqdisho uyimid dibu dhiska dalka