Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun, Waxa habeen barki xalay magaalada Nairobi ku geeryooday Alaah Unaxariiste Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye oo ku magac dheeraay (Xaaji Shoobaaye) oo siweyn looga yaqiinay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.
Allaah Unaxariiste Geerida Xaajiga ayaa waxa looga tacsiyeenayaa
dhamaan ehelka iyo Qaraabadi uu ka baxay marxuumka gaar ahaan Xaajiyo
Sahro Cali Yare iyo Ilmo Xaaji Shoobaaye, Reer Shaa'ib,, Adeer Dr Axmedey Ayax, Eedo Aamino Macalin Fogof iyo Dhamaan reer Maxamuud Kulmiye iyo
guud ahaan umada Soomaaliyeed oo xaajiga magac iyo maamuusba kudhax
lahaa.
Aaska Alaah Unaxariiste Marxuum Xaaji Shoobaaye ayaa lagu wadaa in Duhurnimada maanta lagu aaso qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi ,
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun .
Dhambaalkaan Tacsida ah ayaa waxa dirayo asxaabta hoos kuxusan
- Xaaji Yaasiin Gacal Muuke
- Sheekh Isxaaq Xaaji Muuse
- Xaaji Cabdulaahi Axmed Cabdi (Abkow)
- Xaaji C/raxman Xaaji Maxamed Xaaji Juuni
- Cadow Xasan OW Cadow
- C/raxman Maxamed Cali
- Xaaji Musdaf Cali Xasan
- Maxamud Sheekh Axmed Yare
- C/raxman Xaaji Cabdulaahi
- Xaaji Aweys Cali Cagoole
- Maamo Shukri Nuur Aduunyo
- Maamo Batuulo Cali Walaal
- Maamo Timiro Maxamud
- Maamo Raagto Cabdule Kuulow
- Maamo Xaliimo Gurey
- Maamo Madiino Muxumed Nuur
- Maamo Faadumo Sheekh c/raxman
- Maamo Madiino Gurey
- Maamo Faadumo Buraash
Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye (Xaaji Shoobaaye) ayaa waxa uu ahaa Muwaadin sumacad iyo sharafba kudhax lahaa bulshada Soomaalida isagoo sidoo kalena shaqooyin kala gadisan kasoo qabtay dhamaan dowladihi dalka soo maray kahor bur burki dalka, hasa yeeshe Marxuumka ayaa sanadihi danbe waxa uu kamid ahaa qurba joogta kunool wadanka Kenya magaalada Nairobi.
Dhamaan
Dadka Aqoonta gaarka ah uleh Xaaji Shoobaaye ayaa waxey kutilmaameen
inuu ahaa nin aad udegan, nabadgalyo badan isla markaana ee kuweyntahay
Soomaalinimada,
Qofka Mu'minka
ah ee Ahlu Kheyrka ah waxa lagu gartaa in umada Muslimiinta ee ka
markaati kacaan wanaagiisa marka uu dhinto iyo inta uu nool yahay sidaas daraadee Allaah Unaxariiste Xaaji Shoobaaye waxa eebe uga baryeena Janatu Fardowso inuu ka waraabiyo
Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun.
Xafiiiska Shabakada Warsheekh
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com
Mobile: +2547-22-635661
Nairobi Kenya
Tacsi: Xaaji Shoobaaye oo ku geeriyooday Nairobi
Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileehi Raajicuun, Waxa habeen barki xalay magaalada Nairobi ku geeryooday Alaah Unaxariiste Xaaji Cabduqaadir Maxamud Kulmiye oo ku magac dheeraay (Xaaji Shoobaaye) oo siweyn looga yaqiinay gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.