Ciidamada Xooga Dalka oo Xuska Nabiga (NNKH) kuqabtay Madaxtooyada (Sawiro)

0
Monday January 13, 2014 - 17:20:29 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Xooga Dalka oo Xuska Nabiga (NNKH) kuqabtay Madaxtooyada (Sawiro)

    Munaasabada xuska Nabageenna Muxamad NNKH ayaa saaka lagu qabtay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabada xuska Nabageenna Muxamad NNKH ayaa saaka lagu qabtay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda xuska Nabadiga ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada XDS, waxaana soo qaban qaabiyay munaasabadaasi ururka 60-aad ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadaasi ayaa waxaa hadallo ka jeediyay taliyaha ururka 60-aad ee ciidamada XDS, Axmed Maxamed Cali oo sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo farxad leh, wuxuuna hambalyo u diray ciidamada XDS iyo xaasaskooda, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadkan sanadkiisa ay dalka ka xoreyn doonaan argagixisada.

Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed mudane Cabdi Muxumed Axmed Maalin oo ka qeybgalay munaasabadaasi, kana hadlay halkaasi ayaa ciidamada XDS ku amaanay muxibada iyo kalgacalka ay u qabaan Nabeenna Muxumad NNKH. Isagoo wax aad u wanaagsan ku tilmaamay xuska Nabigeenna NNKH.

Munaasabo kale oo lagu xusayo Nabgeenna ayaa maanta ka kala dhacaya caasimadda iyo gobollada kale ee dalkeenna.

Fiiro Gaar Ah, Hadii aad Mobile Kadaawaneyso Sawirada

Riix Halkaan


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip