Dalka Ingiriiska oo Baasabooradiisa ku xaraashaya Suuqyada Caalamka (Warbixin Yaab Leh)

0
Saturday January 18, 2014 - 12:27:37 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2860
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dalka Ingiriiska oo Baasabooradiisa ku xaraashaya Suuqyada Caalamka (Warbixin Yaab Leh)

    Dowladda Ingariiska ayaa waxay soo bandhigtay Qanuun cusub oo aan isagoo kale horay Taariikhda Dalkaas loogu baran, kaas oo dhigaya in Dadka Shisheeye ee Hantida badan heysta, gaar ahaanna Carabta loo ogolaado inay iibsadaan Baasaboorka iyo Dhalashad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ingariiska ayaa waxay soo bandhigtay Qanuun cusub oo aan isagoo kale horay Taariikhda Dalkaas loogu baran, kaas oo dhigaya in Dadka Shisheeye ee Hantida badan heysta, gaar ahaanna Carabta loo ogolaado inay iibsadaan Baasaboorka iyo Dhalashada Ingariiska. Tani waxay noqonaysaa Iib Xaraash ah oo ugu dambeyn u fududeynaya Qofkii Hantiile ah ama Ganacsade ah inuu iibsado Baasaboorka Ingariiska.

La taliyayaal ayaa Dowladda Ingariiska u gudbiyay Soo jeedin ay Dowladdu qaadatay ka dibna Baarlamanka la horgeynayo, taas oo looga gol leeyahay
in Muhaajiriinta Hantida heysta lagusoo dhaweeyo Dalkaas, si looga helo Fursad lagu kobcin karo Dhaqaalaha Dalka.

Waxaa kaloo Qorshahan lagu doonayaa inay London ku noqto Caasimad ay Hantiilayaasha Dunidu joogaan, Shirkadaha Jinsiyadaha kala duwan kuwooda ugu waynina ay Sal-dhigtaan.

Sida Mashruuca lasoo jeediyay ku cad, waxay Hantiilayaashu Baasaboorka Ingariiska ka heli doonaan Suuqyada Xaraashka oo ay Lacagta ugu badani
bixinayaan, amaba waxay ku bedelan doonaan Taakuleeyn Dhaqaale oo ay siinayaan Jaamacadaha iyo Isbitaalada si loo xoojiyo Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Wargeyska The Times ayaa Warbixin uu qoray ku sheegay in Barnaamijka Dhalashada lagu siinayo Maal-gashadayaasha oo iminka Ingariiska ka jira
uu noqday Hab Qiimo jaban oo ay ka faa’ideysteen Hantiilayaal badan oo u dhashay Ruushka, Shiinaha iyo Dalal kale, kuwaas oo Deganaasho sugan ka
helay Ingariiska ka dibna iyaga iyo Qoysaskooduba usoo guureen London.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip