Shirweyne beesha Mataan Cabdulle maalmahaan uga socday magaalada Muqdisho ayaa waxay beeshu Senetoore u dooratay siyaasiga ruug cadaaga ah Shiikha Muudey Gacal, waxaana sidoo kale beesha Mataan Cabdule ay ku dooratay guddi matalaya beesha, kaasi oo uu guddoomiye u yahay Sheekha Muudey Gacal. Shirweynaha beesha Mataan Cabdulle waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday qurba joogta ku nool dalka dibadiisa oo ka tirsan beesha Mataan Cabdule, Malaaq Cali Malaaq Showri, Waxgarad, Nabadoono, siyaasiyiin, haween iyo dhallinyaro.
Xoghayaha Warfaafinta beesha Mataan Cabdulle Maxamed Cali Yuusuf Maalin ayaa sheegay in shirkaan ujeedadiisu tahay sidii ay beesha u hanan lahayd maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu fuliyo ballanqaad uu horay ugu sameeyay.
Siyaasiga Ruug cadaaga ah Sheekha Muudey Gacal ayaa sheegay inuu dadaal dheer u gelayo sidii uu u soo dhicin lahaa xuquuqda ay beesha ku leedahay maamulka G/Banaadir, wuxuuna caddeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka ballanqaaday inuu u magacaabayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Shiikha Muudey Gacal ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wareejisay beesha Mataan Cabdulle garoon diyaaradeed iyo Deked caalami ah si loogu qabto adeegyada guud ee dalka
Beesha Mataan Cabdulle oo Sheekha Muudey u dooratay Senetoore iyo ballanqaadyo beesha ay ka heshay Madaxweyne Xasan Sheekh
Shirweyne beesha Mataan Cabdulle maalmahaan uga socday magaalada Muqdisho ayaa waxay beeshu Senetoore u dooratay siyaasiga ruug cadaaga ah Shiikha Muudey Gacal, waxaana sidoo kale beesha Mataan Cabdule ay ku dooratay guddi matalaya beesha, kaasi oo u