Imaanshaha Juan Mata oo gil gilay magaalada Manchester

0
Sunday January 26, 2014 - 09:53:03 in Sports by Web Admin
  • Visits: 1605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaanshaha Juan Mata oo gil gilay magaalada Manchester

    Juan Mata ayaa ka hadlay heshiiskii 37.1 milyan ginni ee uu ugu wareegay Manchester United isagoo sheegay inuu doonayo inuu guulo la gaaro kooxda Red Devils oo uu qeyb ka noqdo taariikhdeeda cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juan Mata ayaa ka hadlay heshiiskii 37.1 milyan ginni ee uu ugu wareegay Manchester United isagoo sheegay inuu doonayo inuu guulo la gaaro kooxda Red Devils oo uu qeyb ka noqdo taariikhdeeda cusub. "Waxaan ku faraxsanahay inaan ku biiro Manchester United” ayuu yiri xiddiga reer Spain, kaasoo la filayo in la siiyo number-ka caanka ah ee 7 oo ay soo xirteen xiddigo waa weyn sida George Best, Eric Cantona iyo David Beckham.

"Waxaan ku soo riyaaqay sannado qaar oo farxad ah Chelsea, laakiin waxaa la joogaa waqtigii aan geli lagaa tartan cusub. United waa meel igu fiican, waana ku faraxsanahay inaan fursad u helay inaan qeyb ka noqdo cutubka xiga ee taariikhda kooxda.”

"Maanta waa maalin farxadeed.. waa koox weyn, waxaana dareemayaa in lagu sharaf ii tahay inaan halkaan joogo.

"Chelsea waa koox sarre, saaxiibo badan ayaana halkaas ku leeyahay laakiin iskama diidi karin fursad aan ku biirayo Manchester United. Waxaan indhaha ku hayaa inaan caawiyo tababaraha iyo kooxda oo aan guulo gaarno sannadaha soo socda.”

Rikoorkii hore ee suuqa kala iibsiga ee Man United waxaa 30.75 milyan ginni ku hayay Dimitar Berbatov markii lala soo wareegay 2008dii, waxaana David Moyes uu ku faraxsan yahay inuu gacanta ku soo dhigay saxiix uu u arko afduub weyn.

"Juan waa mid ka mid ah kubadsameeyayaasha ugu fiican dunida maanta, farxad ayayna ii tahay inaan xaqiijiyay saxiixiisa.” ayuu yiri Moyes.

"Waxa uu muhim ka ahaa guulihii u danbeeyay ee Chelsea, isagoo caawiye ka ahaa 28 gool islamarkaana dhaliyay 32 gool kale labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ee Premier League.

"Waxaan la dhacay sida uu ugu faraxsan yahay iuu qeyb ka noqdo Manchester United cusub. Waan ogahay in taageerayaasheena ay jeclaayeen Juan in muddo ah, mar walba ayuu naga horimaanayay, waana ogahay inay ku faraxsanaan doonaan inay ku arkaan maaliyada guduudan ee United. Laga bilaabo talaadada.”

Source: Laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip