Maxaa sababay Tabar yarida hay'adaha amniga Dowladda Federaalka?!! (Faallo)

0
Tuesday February 11, 2014 - 11:34:50 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa sababay Tabar yarida hay'adaha amniga Dowladda Federaalka?!! (Faallo)

    Tan iyo markii dalka uu galay marxalad isbedel ah kana baxay xilligii KMG-nimada ayna dhalatay dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ka dhalatay, shacabka waxay filayeen in xaaladdu soo hagaageyso isla markaana Dowladda rasmiga ah ee dalka u dhalatay ay wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii dalka uu galay marxalad isbedel ah kana baxay xilligii KMG-nimada ayna dhalatay dowlad rasmi ah oo Soomaaliya ka dhalatay, shacabka waxay filayeen in xaaladdu soo hagaageyso isla markaana Dowladda rasmiga ah ee dalka u dhalatay ay wax badan ka qaban doonto dhinacyada amniga, cadaaladda, bulshada, dhaqaalaha iyo wax kasta oo asaas u ah jiritaanka nolosha dadka iyo dalka.

 
Haddaba mudada halka sano iyo bilooyinka ay jirtay Dowladda Federaalka waxaa muuqata in rajadii shacabka ay ka qabteen isbedel ka duwan kii xilligii KMG-nimada laga sii hoos dhacayo oo xaaladu ay noqotay ka daroo dibi dhal, iyadoo marka loo eego waxqabadka Dowladda Federaalka looga fadhiyay uu ku yimid gaabis, taasi oo ay ugu muhiimsanaayeen waxyaabaha laga sugayay dhinaca nabadgelyada iyo cadaaladda.

 
Marka la eego xaaladda nabadgelyada xilligii KMG-nimada dalka uu ku jiray iyo maanta marka la eego, inkasta oo meesha uu ka baxay dagaalkii Muqdisho ee u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Maleeshiyada ururka Al-Shabaab, hadana waxaa la oran karaa inay maanta ugu liidato nabadgelyada qeybaha dowladdu gacanta ku heyso.

 
Falalka qaraxyada, dilalka qorsheysan iyo weerarada lagu soo qaadayo xarumaha ciidamada Dowladda ayaa soo kordhay, taasi oo sababtay in xarumaha Dowladda difaac looga dhigay dhagxaan, halka qaarkood loo xiray waddooyin muhiim u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka, ayna muuqato maanta in weerar lagu yahay ciidamadii la filayay in shacabka nabadgelyadiisa ilaaliyaan.

 
Su'aasha isweydiinta lihi waxay tahay "Maxaa sababay tabar darrida Dowladda Federaalka ee dhinaca nabadgelyada?", dad badan oo waaya jooga Soomaaliyeed ka mid ah ayaa bixiyay jawaabo kala duwan oo ku saabsan waxa xilligaan tabar darrida ku keenay hay'adaha amniga Dowladda Federaalka.

 
Dadka u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan inay ugu wacan tahay tabar darrida dowladda Federaalka dhinaca nabadgelyada iyadoo howl gab laga dhigay isla markaana xilka laga qaaday dadkii aqoonta iyo waaya aragnimada u lahaa arrimaha nabadgelyada, tobankii sano ee ugu dambeeyayna la soo dagaalay cadowga gudaha.

 
Axmed Macallim Maxamuud Fiqi Taliyihii nabad sugidda G/Banaadir oo dhibaatooyin fara badan kala kulmay howlihiisa xilkana laga qaaday markii uu fahmay xeeladaha looga hortago falalka argagixisanimada iyo kooxaha cadowga ku ah nabadgelyada.

 
Saraakiisha iyo madaxda maanta hoggaanka u heysa hay'adaha amniga Dowladda Federaalka oo inta badan aan wax khibrad iyo waaya aragnimo ah u lahayn arrimaha nabadgelyada oo aan xog-ogaal u ahayn duruufta dalka laguna soo xulay kooxeysi, iyadoo maanta ay joogaan saraakiishii hore ee dalka oo xilliyadii ay hoggaanka hayeen wax badan ka qabtay nabadgelyada, sida Jan. Cali Madoobe, Jan.Gacma Dulle, Jan. Maxamed Sheekh, Jan.Jimcaale, Jan. Caanood, Jan.Dhega Badan iyo waliba saraakiil kale oo badan.

 
Marka la is barbar dhigo dhacdooyinkii ugu dambeeyay sida xil ka qaadista saraakiisha hay'adaha amniga iyo labadii qarax ee ka dhacay wadada shaqaalaha iyo hotelka Oriental ee magaalada Muqdisho waxay astaan cad u tahay tabar yarida ciidamada nabadgelyada, bacdamaa meel 100 tallaabo u jirta xarunta Hay'adda nabad sugidda Qaranka uu ka dhacayo qarax baabuur loo adeegsaday ayna ku shirayeen madaxdii amniga ee dalka iyo G/Banaadir.

 
Shacabka Soomaaliyeed ee waaya jooga u soo ahaa marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray, waxay si weyn ula yaabeen sida madaxda Dowladda Federaalka meel isaga dhigeen wax ka qabashada tallaabadii ugu muhiimsaneyd ee laga sugayay sida nabadgelyada iyo cadaaladda oo ka mid ahayd halku dhigii khudbadii madaxweyne Xasan Sheekh markii la dhaarinayay , bacdamaa ay u magacowday shaqsiyaad aan lahayn aqoon, iyadoo xilalka laga qaadayo saraakiisha rasmiga ah ee ku xeel dheer sugidda nabadgelyada.

 
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka digaya in haddii xaaladu sidaan ku sii socoto ay ka sii dareyso marxaladda nabadgelyada, isla markaana hoos u dhac weyn uu ku imaanayo horumarkii iyo rajadii laga qabay dib u dhiska dalka iyo fulinta mashaariicda kala duwan ee caalamku ka fulinayo dalka.

 
Xil ka qaadista tallaabada Madaxda dowladdu qaaday hadda ee madaxda heer gobol ee nabadgelyada waxay la mid tahay oraahdii Soomaaliyeed ee ahayd "Cudurka kaa gala fardaha haddii laga gubo dameeraha Dawadda lama gaarayo, taasi oo micnaheedu yahay in laga wareegayo cidda mas'uuliyadda tooska u leh.

 
Waxaa Qoray: Xuseen C/raxmaan
Muqdisho - Soomaaliya
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip