Kulanka Xiisaha iyo Xamaasada badan ee Caawa udhaxeeyo Arsenal VS Man

0
Wednesday February 12, 2014 - 10:54:55 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Xiisaha iyo Xamaasada badan ee Caawa udhaxeeyo Arsenal VS Man

    BARCLAYS PREMIER LEAGUE Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Arsenal iyo Manchester United ayaa ku kala jira labo marxaladood oo kala duwan, laakiin caawa waxa ay wajahayaan howl adag iyagoo mid walba ay ka soo kabsa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BARCLAYS PREMIER LEAGUE Garoonka: Emirates Stadium Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika Arsenal iyo Manchester United ayaa ku kala jira labo marxaladood oo kala duwan, laakiin caawa waxa ay wajahayaan howl adag iyagoo mid walba ay ka soo kabsaneyso natiijo xumo soo wajahday isbuucaan.
Arsenal waxaa guuldarro 5-1 ay ka soo gaartay Liverpool halka Man United ay garoonkeeda Old Trafford barbaro 2-2 kula gashay kooxda Fulham.

Inkastoo marxalado kala duwan ay ku kala jiraan labada kooxood hadana taariikh ahaan xafiiltanka ka dhaxeeya Red Devils iyo Gunners ayaa ah mid xamaasad u yeelaya kulanka caawa ka dhici doonta Emirates Stadium.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Arsenal Yaya Sanogo ayaa diyaar u ah inuu wajaho Manchester United caawa ka dib shan bilood uu la maqnaa dhaawac dhabarka ah.

Mathieu Flamini ayaa dhameystiranaya ganaaxiisii seddexda kulan, halka Aaron Ramsey, Kim Kallstrom, Thomas Vermaelen, Abou Diaby iyo Theo Walcott ay dhamaantood dhaawac yihiin.

Labada ciyaaryahan ee Manchester United iyo Jonny Evans ayaa labadoodaba seegi doona kulanka caawa sababo la xiriira dhaawac kubka ah.


 
Ciyaaryahanka khadka dhexe Marouane Fellaini ayaa weli la maqan dhibaato ka heysata gumaarka.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-3-2-1): Szczesny; Sagna, Mertesacker, Koscielny, Gibbs; Arteta, Chamberlain, Rosicky; Cazorla, Ozil; Giroud.

Man United (4-2-3-1): De Gea; Rafeal, Smalling, Vidic, Evra; Cleverley, Carrick; Januzaj, Rooney, Mata; Van Persie.

MA OGTAHAY?

Labada kooxood waxa ay tartamada oo dhan ku kulmeen 218 jeer, Man United ayaa badisay 92 ka mid ah halka Arsenal ay badisay 79, waxaana ay barbaro galeen 47 jeer.
Dhawaanahan Man United ayaa gacanta sarre laheyd iyadoo laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13kii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay badiyeen 10 kulan oo ka mid ah, guusha kaliya ee ay mudadaan gaartay Arsenal waxa ay aheyd May 2011 markaasoo uu Aaron Ramsey gool ugu dhaliyay Emirates.
Arsenal ayaa guuldarro ay ka soo gaartay Manchester United 20 jeer intii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League, waana kooxda ugu badan ay guuldarro ka soo gaarto Premier League.


Source Laacib
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip