War-saxaafadeed R.W. oo cambaareeyey qaraxii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacay nawaaxiga garoonka Muqdisho‏

0
Thursday February 13, 2014 - 20:00:28 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1026
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War-saxaafadeed R.W. oo cambaareeyey qaraxii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacay nawaaxiga garoonka Muqdisho‏

    Muqdisho, Khamiis, February 13, 2014----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey galabta ka hor inta aanu ka dhoofin dalka falkii qaraxa ahaa ee kooxaha nabadiidku ay ka fuliyeen nawaaxiga garoonka caalamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Khamiis, February 13, 2014----Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey galabta ka hor inta aanu ka dhoofin dalka falkii qaraxa ahaa ee kooxaha nabadiidku ay ka fuliyeen nawaaxiga garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde, kaasoo ay ku dhinteen dad rayidka ah oo ku ganacsanayay afaafka hore ee garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dhamaamba dadkii ku geeriyooday goobtaasi qaraxa, wuxuuna u rajeeyey inuu eebbe Janada geeyo, maadaama ay yihiin dad si xaq darro ah lagu xasuuqay, wuxuuna dhanka kale caafimaad u rajeeyey dadkii kale ee ku dhaawacmay falkaasi.

"Falkan wuxuu cadeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana in bulshada Soomaaliyeed ay garab ku siiyaan dawladda ciribtirka kooxahan xagjirka ah ee baneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumada ka hor inta aanu ka dhoofin garoonka Muqdisho xilli uu ku sii jeeday dalka Itoobiya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip