Madaxwyne Xasan Sheikh oo kulamo la qaatay Madax sare oo ka socotay Switzerland "Sawirro"

0
Tuesday February 25, 2014 - 15:02:20 in Wararka by
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwyne Xasan Sheikh oo kulamo la qaatay Madax sare oo ka socotay Switzerland "Sawirro"

    Maddaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheeikh Maxamud ayaa maanta kulamo la qaatay Madax sare oo kasocoto dowladda Switzerland waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maddaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheeikh Maxamud ayaa maanta kulamo la qaatay Madax sare oo kasocoto dowladda Switzerland waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay. Ambassador Domanic Landegenbacher oo ah Safiirka cusub oo Dowladda Switzerland u fadhin doonno Soomaaliya ayaa waxa uu u mahadciliyay Madaxwyanaha  Soomaaliya waxa uuna yiri: " aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muda 30 sanno ka dib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin.” 


Dhanka kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska dalka, Nidaamka Federaal-ka iyo xasilinta Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa yiri " Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”

Sikastaba  Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo idmaday.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip