Xidiga koxda liverpoolGlen Johnson: Ixtiraam Uma Hayo Mourinho Waxaana Ka Fiican Brendan Rodgers.

0
Wednesday March 05, 2014 - 09:31:41 in Sports by
  • Visits: 2944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidiga koxda liverpoolGlen Johnson: Ixtiraam Uma Hayo Mourinho Waxaana Ka Fiican Brendan Rodgers.

    Glen Johnson ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu Brendan Rodgers tababare ahaan uga fiican yahay Jose Mourinho, iyadoo Johnson uu ka soo hoos ciyaaray Mourinho markii uu joogay Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Glen Johnson ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu Brendan Rodgers tababare ahaan uga fiican yahay Jose Mourinho, iyadoo Johnson uu ka soo hoos ciyaaray Mourinho markii uu joogay Chelsea.

"Nolol adag ayay ii aheyd markii aan ka hoos ciyaarayay Jose ee aan joogay Chelsea sababtoo ah waxaa ii sheegay inaan u qalmo inaan ciyaaro haddii aan shaqeysto” ayuu Johnson u sheegay Daily Mail.

"Waxa uu igu yiri haddii aan kulanka soo socda si fiican u ciyaaro inaan ciyaari doono isbuuca ku xiga. Waxaan helay xiddiga garoonka kulankaas sidaasi darteed keyd ima uusan gelin karin.

"Ka dib ciyaartii ku xigtay sidaas oo kale ayuu igu yiri, mar kalena waxaan noqday xiddiga garoonka. Ka dib waxaa jirtay ciyaar kale oo ay ku sii xigtay kulan aan la laheyn Barcelona. Waxaan xusuustaa anigoo la hadlaya wakiilkeyga kuna dhahaya, ‘Ima ciyaarsiin doono kulankaan sababtoo ah haddii aan si fiican u ciyaaro waa ku qasban yahay inuu i ciyaarsiiyo kulanka Barcelona’ waana ogaa inaysan taasi dhaceynin.

"Mana uusan u i ciyaarsiinin kulankaas, laga bilaabo waqtigaas ixtiraamkii aan u hayay oo dhan waa uu iga baxay, waxaana ku fekeray, ‘Sideen haatan ku ixtiraamaa? Waa iga soo dhamaatay’

"Brendan marnaba sidaasi ma sameynayo. Waxa uu soo bandhigay haddii fiican tahay inaad ciyaari karto kulamada waa weyn oo aad u qalanto wax kasta oo ay da’daada tahay. Sidasi darteed dhankaas waxaa gabi ahaanba ku fiican Brendan.”

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip