Golaha Wasiirada oo si gaar ah uga showray amniga magaalada Muqdisho

0
Friday March 07, 2014 - 21:13:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo si gaar ah uga showray amniga magaalada Muqdisho

    Qorshaha cusub ee Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya ay ka waddo caasimadda dalka ee Muqdisho ee ah, guddiyada wasiirrada iyo xildhibaannada ah oo ka howl-galaya degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ammaanka ka qeyb qaadanaya, waa arrin ugub ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha cusub ee Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya ay ka waddo caasimadda dalka ee Muqdisho ee ah, guddiyada wasiirrada iyo xildhibaannada ah oo ka howl-galaya degmooyinka gobolka Banaadir, isla markaana ammaanka ka qeyb qaadanaya, waa arrin ugub ku ah waddanka, maadaama looga qeyb qaadanayo amniga iyo xasilinta caasimadda, Bulshada Soomaaliyeed ayaa siyaabbo kala duwan uga hadleysa arrintan, balse waxa ka muuqanaya waa in dadka iyo dowladdu isku xermaan oo ay wada Shaqeyaan.
Gobolka Banaadir waa 17, degmo, degma walba waxaa wakiil looga dhigay in maamulka ka jira uu kala shaqeeyo amniga iyo horumarinta Bulshada wasiir, Xildhibaanno iyo saraakiil amniga ka shaqeysa, hadal heynta Bulshadu waa in qorshan haddii uu raaggo oo uu muddo dheer socdo lagu guuleysan karo xasilinta amniga Muqdisho, si loogu gudbo gobollada kale ee dalka oo hadda ay ka bilowdeen howllo Al-Shabaab loogu saarayo.

22-kii bishii la soo dhaafay ayuu soo baxay go’aanka Xukuumadda ee wasiirrada ay uga qeyb qaadanayaan amniga Muqdisho, illaa hadda waxaa muuqaneysa in sidii loogu talagalay ay u socdaan howlahaasi, shacabka Soomaaliyeed waxaa ku dhashay dareyn ku aaddan in dowladdu ay diyaar u tahay in si toos ah ay uga wada shaqeeyaan la dagaallan argagixisada Al-Shabaab.

Degmooyin badan ayaa laga dareemayaa is dhexgalka Bulshada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, wasiirro badan ayaa wada ololle ballaaran oo ku saabsan sidii Bulshada looga dhaadhicin lahaa in ay taageeraan dowladda, isla markaana ay Kalsooni ku qabaan ciidammada ammaanka, iyagoo si toos ah ula shaqeynaya.

Fikirka uu soo kordhiyey in wasiirrada Xukuumadda ay amiga Muqdisho ka qeyb-qaataan waa in Kalsooni ay dhexmarto Bulshada iyo dowladda, dhacdooyinka amni darada keenaya ee Al-Shabaab la damacsan yihiin mar walba Muqdisho waa mid ku saleysan in ay iska hor keenaan dowladda iyo ummadda Soomaaliyeed ee waddniyadda ay ku dheertay.

Masuuliyadda saaran maamullada degmooyinka gobolka Banaadir iyo shacabkooda, waa in ay gacan siiyaan masuuliyiinta sarre ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi waxa ay keeni doontaa in laga guuleysto kooxaha sida baqdinta leh ugu dhex dhuumanaya Muqdisho ee Al-Shabaab ka tirsan.

"Hal ku dhigga Nabadda waa la dagaallan argagixisada, gacan siinta ciidammada ammaanka Qaranka, ka shaqeynta horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalkeenna” ereyadaas oo dhan waxaa laga dhabbeyn karaa haddii lagu dhabar adeeggo qorshaha Xukuumadda ay waddo ee amiga lagu dardargalinayo sidii loo sugi lahaa.

Shacabka Soomaaliyeed waa ay la socodaan in Al-Shabaab aysan ka sirdoon wanaagsaneyd dowladdeena, ciidanka Qaranka waxa ay u baahan yihiin waa in lagu gacan siiyaa sidii ay dhabarka uga jabin lahaayeen Al-Qaacidda.

Dhanka kale waxaa bilowday howl-gallada dib u xoreynta gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayaan, ciidammada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, taas waxa ay cadeneysaa in dalka Nabaddiisa sii baaheyso.

 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip