Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay guud ahaan beesha sida quruxda badan ee usoo agaasimeen xaflada iyo taageerida ee umuujiyeen isagoo taa badalkeedana ku abaal mariyay in taageerada beesha cida aan heesan eesan wax badan uqabsoomeenin.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ku amaanay Beesha iney tahay beel aragti dheer laakin loo baahan yahay in aragtidaas loo adeegsado dhanka wanaagsan gaar ahaan kahortaga Alshabaab.
Janeral Muungaab ayaa sidoo kale kula kaftamay bulshadi kasoo qeybgashay kulanka in lagu baqdin galiyay marki uu ka dhawaajiyay inuu dib ugu celin doono milkiyada Muwaadiniin xoog looga heesto hantidooda.
"Dad baa igu yiri Ogow Muungaabow Abgaal majecla Xarig, Habar gidirna in laga celiyo Guryaha ee xooga kuheestaa”.
Gudoomiye Muungaab ayaa sidoo kale tilmaamay in magaalada Muqdisho ee hanta utahay dhamaan umada Soomaaliyeed loona baahan yahay beelaha lagu tuhunsan yahay iney xoog kuleeyihiin iney kusoo dhaweeyaan beelihi ka cararay ee walaalahood.
Duqa Cusub ee magaalada Muqdisho Mudane Muungaab ayaa waxa uu wax laga xumaado kutilmaamay in qalalaasaha magaalada Muqdisho ee gadaal kariixayaan dad aan waxba ka goonin beelaha ee kasoo jeedaan kuwaasi oo heyb ahaan kasoo jeeda Hargeysa iyo Garowe hasa yeeshe fikirkooda qaloocan ku qanciyay wiilal Soomaaliyeed oo kasoo jeeda magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha aya ugu dambeenti wacad kumaray inuu cadaalada ka bilaabi doono beelaha ugu tunka weyn ee magaalada Muqdisho halkaana uu kasi wadi doono nidaam kudhisan cadaalad iyo sinnaan.
(Video) Muungaab: "Abgaal In laxiroo Neceb yahay, Habar gidirna Guri Islaameed kabixidiisa" (Duqa Muqdisho Arimo badan banaanka Keenay)
Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waxa uu kaqeybgalay xaflad balaaran oo ee Beesha Habar Gidir oo kamid ah beel weynta Hawiye kusoo dhaweenayeen .