Tacadiyada lagula kaco mid kamid ah Xayawaanada ay Soomaalidu ku shaqeysato "Sawirro"

0
Wednesday March 26, 2014 - 12:03:21 in Wararka by
  • Visits: 6212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tacadiyada lagula kaco mid kamid ah Xayawaanada ay Soomaalidu ku shaqeysato "Sawirro"

    Xayawaanka loo yaqaano Dameerka waxa uu ka mid yahay xayawaanada ay Soomaalidu ku shaqeysato islamarkaana ay ku qabsato howlo-badan oo uusan qaban karin baabuurka waxaana lagula kacaa tacadiyo kala duwan iyo dhib loo geysto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xayawaanka loo yaqaano Dameerka waxa uu ka mid yahay xayawaanada ay Soomaalidu ku shaqeysato islamarkaana ay ku qabsato howlo-badan oo uusan qaban karin baabuurka waxaana lagula kacaa tacadiyo kala duwan iyo dhib loo geysto. Dameerka ayaa waxaa loo adeegsadaa shaqooyin farabadan sida in lagu qaato qalabka lagu dhiso guryaha, raashinka iyo waxyaalo kale oo aad u farabadan ayadoona mar markaar ay dhacdo hadii uu reer guurayo in lagu guuro.

Dhinaca kale  xayawaankan ayaa waxaa la ogsoon yahay in uu dhexmari karo biyo aad u farabadan oo aysan suura gal u aheyn in uu baabuur galo (Tusaale waxaa kaaga filan fatahaadii uu wabiga shabeelle uu ka sameeye Magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeeladda Dhexe in dadka ay ku qaxayeen dameer islamarkaana dameer uu dhex maraye biyaha wabiga halka baabuurta Hoomeeda iyo kuwa kale ay ka baqayeen in uu ku dhex halaabo.

Habada xayawaankan ma mudan yahay in sida ay soomaalida qaar ula dhaqanto in loola dhaqmo, waxaa dhacdo in dameerka lagu soo raro waxyaabo aad uga tan weyn oo uusan qaadi karin ayadoo taasi u sii dheertahay in la marsiiyo meelo dalcado ah oo uusan kori karin.

Soomaalida ku xamaalato Xawaankan Dameerka ayaa intooda badan waxa ay u geystaan jir-dil aan caadi aheyn aydoo mar-marka qaar ay dhacdo in lagu sameeyo wax ay diinta ogoleyn sida: (In Basbaas laga mariyo dabada) islamarkaana hadana lagu garaaco bir.

DAAWO SAWIRADDA:


Waa xayawaan, mana awoodyo in uu hadlo, ma mudan yahay sidan?, hadii uu hadli lahaayse sidan malagu sameyn lahaay?

 (Fikirkiinu waa Muhiim)


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip