Kooxaha ugu waa-weyn Xulka England oo doon-doonayo Xidig u ciyaaro Bayern Munich "waa kuma?"

0
Monday March 31, 2014 - 22:18:07 in Sports by
  • Visits: 2180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha ugu waa-weyn Xulka England oo doon-doonayo Xidig u ciyaaro Bayern Munich "waa kuma?"

    Kooxaha ugu waa wayn horyaalka ingiriiska ay ku hardamayaan saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ninka lagu magacaabo Jerome Boateng .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha ugu waa wayn horyaalka ingiriiska ay ku hardamayaan saxiixa daafaca kooxda Bayern Munich ninka lagu magacaabo Jerome Boateng .

Tababaraha kooxda Bayern Munich Pep Guardiola ayaa intabadan u adeegsada laacibka qadka dhexe ee xulka Spain Javi Martinez inuu ka ciyaarsiiyo daafaca dhexe taas oo booska kasaartay 25 jirkaan xulka Germany, Boateng ayaana doonaya inuu isaga tago Bayern Munich hadii uusan boos joogto ah ka helaynin kooxda.

Kooxaha Man United, Man City, Chelsea iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixa Jerome Boateng suuqa kala iibsiga ee xaggaaga soo socda sida ay qortay Bild.

Dhanka kale Jerome Boateng ayaa bishii December ee 2013 u saxiixay kooxda Bayern Munich heshiis uu ku sii joogayo kooxda ilaa June 2018 lakiin laacib kan ayaan doonayn inuu fadhiyo kursiga kayda taas oo keenaysa inuu isaga tago Bayern dhamaadka xili ciyaareed kan.

Hadaba Waxaa lafilayaa in Jerome Boateng uu ku soo bilowdo kulanka Man United ay kula ciyaari doonaan Old Trafford maadaama Dante uusan ciyaari karin kulan kaas.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip