Horumarka Balaaran ee kasocda Mu'asasada Macalin Nuur (Daawo Sawiro)

0
Wednesday April 09, 2014 - 21:09:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3251
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Balaaran ee kasocda Mu'asasada Macalin Nuur (Daawo Sawiro)

    Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale, Xildhibaan Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo ay Wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda Awqaafta iyo arrimaha diinta Mudane Yuusuf Xeyle Jimcaale, Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur iyo xubno kale ayaa maanta kormeer ku tegay xarumo waxbarasho oo ku yaalla deegaanka Xoosh..
Ugu horeyn Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo xubnihii la socday waxa ay Mowlaca Macalin Nuur oo ku yaalla deegaanka Xoosh, halkaasi oo ay warbixin kaga dhageysteen Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur oo uga warbixiyay Mowlaca iyo culimada hadda wax ku barata, iyagoo intaasi kaddib kormeer ku sameeyay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Macalin Nuur, halkaasi oo ay kula kulmeen macalimiinta iyo ardayda iskuulkaasi wax ka dhigata.

Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maamulka, Macalimiinta iyo ardayda ku bogaadiyay sare u qaadidda waxbarashada, isagoo kula dar daarmay in waxbarashada ay tahay furaha aqoonta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiir ku-xigeenka Awqaafta iyo arrimaha diinta waxa ay socdaal ku soo mareen Jaamacadda Imaam Shaafici oo xiriir la leh Mu’asasada Macalin Nuur.oo ku taalla degmada Hodan.

Xildhibaan Cabdiqaadir Macalin Nuur ayaa Wafdiga Ra’iisu; Wasaare ku-xigeenka u sheegay in Mu’asasada Macalin Nuur la aas aasay sanadkii 1942-kii, islamarkaana ay qabatay waxyaabo badan, isagoo xusay in hadda ay leedahay qeyb ay carruurta ku bartaan Qur’aanka Kariimka iyo cilmiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay goobaha kala duwan ee ay maanta kormeereen iyo waxyaabaha ay indhahooda ku soo arkeen, isagoo ku xusay in Mu’asasada Macalin Nuur ay ka mid tahay meelaha ugu faca weyn ee lagu bartay Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga intiisa kale.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip