Xildhibaanadi Aala Sheekh oo kacdoon kuwada Madaxweyne Xasan

0
Monday May 05, 2014 - 19:30:34 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadi Aala Sheekh oo kacdoon kuwada Madaxweyne Xasan

    Xildhibaano kor udhaafayey 100 mudane oo katirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaana kulankooda ay si qoto dheer uga hadleen sida ay talo ahaan ugu soo jeedinayaan Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano kor udhaafayey 100 mudane oo katirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaana kulankooda ay si qoto dheer uga hadleen sida ay talo ahaan ugu soo jeedinayaan Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud inuu is Casilo.

Kulanka ayaa waxa markii uu soo dhamaaday waxa saxaafada uga warbixiyey bayaan ay soo saareen Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali isagoona sheegay in nuxurka kulankooda uu ahaa baaq ay udireen madaxweynaha Waddanka.

Waxay ku dhaliileen sida uu Xasan Shiikh ugu guuldareystay wax ka qabashada lixdii Tiir uu ballan qaaday wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada dalka iyagoona sheegay hadii uusan baaqooda madaxweynuhu udhago nuglaanin ay umari doonaan habka sharciga oo Baarlamaanka ay geyn doonaan.

Sidoo kale Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud iyo Xildhibaan Abuukaato Daahir Xasan Cabdi ayaa iyaguna waxay ka hadleen sida ay u arkaan qodobadii kasoo baxay kulankaasi maaanta ka dhacay Muqdisho waxaana ay sheegeen in madaxweynaha uu ku fashilmay siyaasad ahaan hogaanka dalka sidaa awgeedna ay ugu baaqayaan inuu is casilo.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip