Wasiirka warfaafinta maamulka Jubooyinka Xasan Baajuuni oo u waramayay Saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ku guuleysteen howlgallo iyo weeraro ay la bar tilmaameedsadeen Al-Shabaab.
Maamulka KMG ah ee gobolada Jubbooyinka ayaa bilaabay dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen saldhigyo ay kooxdu ku lahayd degmooyin ka tirsan gobolka J/hoose.
"Hadda waxaan gacanta ku heynaa ilaa lix ka tirsan kooxda Shabaab, baaritaano ayaana ku socda kaddibna sharciga ayaa la marinayaa" ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in goobaha ay weerareen ay ka mid tahay degmada Buulo Gaduud.
Mar uu ka hadlayay qorsheyaasha maamulkiisu ku doonayo inuu ku xoojiyo amniga, waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta in howlahaasi ay marayaan meel gabagabo ah, isla markaana goobaha ay gacanta ku dhigaan ay ka hirgelin doonaan nabad buuxda.
Xasan Baajuuni: "Kama hari doono haraaga Al-Shabaab ee ku sugan gobolada Jubbooyinka"