Ururada Bulshada Rayidka ayaa dood cilmiyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay qorshaha sanadka soo socda, sidii dalka loo horumarin lahaa, loogana hortagi lahaa fikiradaha qaldan ee lagu marin habaabiyo dhalinyarada.
Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Hey’addaas ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb galay Ururada haweenka, culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada, waxaana lagu lafa guray waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshe howleedka sanadka soo socda.
Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka bulshada Ciise Axmed Cumar ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay dood cilmiyeedkan, isagoo ku amaanay ururada bulshada rayidka dadaalka dheer ee ay u soo galeen bad baadinta Umada.
"Sida la socotaan shirkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay waxyaabihii noo qabsoomay sanadkan dhamaadka ah, iyo waxa aan rabno inaan qabano sanadka soo socda, run ahaantii waa ku faraxsanahay dadaalka dheer aad sameyseen, umadan wax badan ayaa u qabateen siminaaro badan lagu dhiira gelinayo dhalinyarada, bulshada, haweenka, dhaqanka iyo culumaa’udiinka”ayuu yiri Ciise Axmed Cumar.
Mr Ciise ayaa sheegay in bulshada rayidka la’aantood uu dalka ku jiri lahaa dhibaato badan, hase ahaatee maanta lagu dhow yahay horumar.
"Sida la socotaan waxaa ku soo shaqeynay marxalad adag, iyadoo Shabaab dalka joogo oo dadka la dilayo, maanta waxaa mareynaa heer dadka aan ku dhiira gelin karno in codkooda si xor ah u dhiibtaan iyadoo cabsi ku jirin, in shacabka aad dhiira geliseen waxaa mareynaa in maanta shabaab dalka laga saaray, dadaalkiina halkuu yahay, inaan soo saarno qorshe howleed aan ku shaqeyn karno sanadka soo socda waa shaqeynay horumar baa sameynay dowladda garab istaagnay sanadka waxyaabo badan noo qabsoomay, maxaa na hor taagan inaan is weydiino”ayuu yiri Gudoomiye Ciise.
Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in dhalinyarada ay u sameeyeen barnaamijyo siminaaro iyo wacyi gelin, si aqoontooda sare loogu qaado, isla markaana dhalinyarada ay ahaayeen dhibka ugu weyn ee ku dhacayay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado sidii dhalinyarada la marin hababaiyay loo wacyi gelin lahaa, isla markaana loo sameeyo dhalinyarada qorshe lagu hormarinayo.
"Dhalinyarada maanta waxaa ku dhacay dhibka ugu badan ee dalka ka jira, waxaa loo baahan yahay in la jiheeyo, qorshe loo sameeyo, mar walba Shabaab anaga nagu maqan yahay, anagana waxaa rabnaa inaan iska difaacno fikradaha qaldan ee dhalinyaradada lagu marin habaabinayo, inaan bad baadino dhalinyaradeena.
Gudoomiye Ciise ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado meesha laga yimaado, meesha hada la joogo iyo halka loo socdo, waxaana uu tilmaamay in la gaaro yoolka la hiigsanayo.
Afhayeenka Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in dowlad la’aanta dalka ka jirtay mudadii 20-ka sano ay keentay in dalka la keeni fikir lagu baabi’inayo Soomaaliya, inta waxgalka ahna lagu leynayo, si dalka loo mugdi loo geliyo.
Gudoomiye kuxigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in is hor-taag lagu sameyn karo fikirka qaldan, isla markaana dhibka ugu badan uu ku dhacay bulshada qeybaheeda kala duwan.
"Waxaa nagula dagaalamayo waa islaamnimadeena, midnimadeena, inaan maanta il ku eegno fikirka qaldan ee lagu marin habaabinayo dhalinyaradeena”ayay tiri Canab Xasan Cilmi.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in haweenka ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta bulshada, isla markaana ay dadaal badan geliyeen sidii dhalinyarada ka soo goosata Al-Shabaab loo wacyi gelin lahaa.
Sidoo kale Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay inay sameynayaan abaabulo ay bulshada ku kicinayaan, si loola shaqeeyo ciidamada, deegaanada laga saaray Shabaab laga sameeyo wacyi gelin.
Ugu dambeyn xubnihii ururada bulshada rayidka iyo Mas’uuliyiinta Hey’adda wada hadalka bulshada ayaa falan qeeyay sida kaliya ee lagu horumarin karo bulshada, aqoontoodana sare loogu qaadi karo, si mustaqbalka soo socda ay u gaaraan hadaf mideysan, dalkana ay ka dhacdo doorasho xor ah.
Ururada Bulshada Rayidka oo maanta ka dooday Qorshe howleedka sanadka 2015-ka
Ururada Bulshada Rayidka ayaa dood cilmiyeed loogu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay qorshaha sanadka soo socda, sidii dalka loo horumarin lahaa, loogana hortagi lahaa fikiradaha qaldan ee lagu marin habaabiyo dhalinyarada.