Sicirka Burka oo suuqyada Muqdisho sare uga kacay (Waa maxay sababta?!!)

0
Thursday November 06, 2014 - 12:01:39 in Wararka by
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sicirka Burka oo suuqyada Muqdisho sare uga kacay (Waa maxay sababta?!!)

    Foornooyinka lagu dubo walxaha laga sameeyo burka sida Rootiga, Doolshaha, Bur Kaakiga, Sanbuuska iyo walxaha kale ayaa albaabada loo laabay kaddib markii uu cirka isku shareeray qiimaha burka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Foornooyinka lagu dubo walxaha laga sameeyo burka sida Rootiga, Doolshaha, Bur Kaakiga, Sanbuuska iyo walxaha kale ayaa albaabada loo laabay kaddib markii uu cirka isku shareeray qiimaha burka.
Suuqyada magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horeysay tan iyo muddo sanado ah sare uga kacay qiimaha lagu iibsado burka, iyadoo 25Kg lagu kala iibsanayo in ka badan $30 (Sodon Dollar), taasi oo sababtay in shixnado bur ah Muqdisho looga keeno gobolada dalka, sida Puntland iyo Somaliland.

Mid ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho sida weyn looga yaqaano ayaa ka warbixiyay sicir bararka ku dhacay Burka oo Soomaalida 90% isticmaasho, isagoona sheegay in xayiraad lagu soo rogay markab siday dhowr Tan oo shixnado bur ah, kaddib markii laga helay Kontenar ay ku jireen walxaha qarxa.

"Sicirka Burka waxaa sabab u ah markabkii siday oo lagu xayiray dekedda Muqdisho, balse waxaa naloo sheegay inuu soo socdo markab kale oo sida Bur, kaasi oo aan filayo inuu hoos u dhigo sara kaca ku yimid qiimaha burka" ayuu yiri ganacsade Axmed C/llaahi oo sheegay in markabka miinooyinka iyo walxaha qarxa laga helay uu saameyn ku yeeshay ganacsiga Muqdisho.

Dhinaca kale ilaa iyo iminka ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka ayaa wada baaritaano la xariira markabka siday Burka iyo walxaha qarxa, iyadoo baaritaanada ay ka socdaan halka markabka laga soo raray iyo halka uu yimid oo ah magaalada Muqdisho.

Howlgalka lagu baarayo markabka Muqdisho keenay miinooyinka casriga ah, dareyska iyo walxaha qarxa ayaa warar hordhac ah oo soo baxaya waxay sheegayaan inay ku lug yeesheen ganacsato caan ka ah magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ciidamadu ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip