Xulka Argentina oo quusiyay dhigiisa Croatia

0
Thursday November 13, 2014 - 14:01:16 in Sports by
  • Visits: 1762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Argentina oo quusiyay dhigiisa Croatia

    Tevez wuxuu badal kusoo galay ciyaarta qeybaheedii dambe, waxaana lagu badalay Sergio Kun Aguero, waana markii ugu horeysay oo uu matalo xulkiisa tan iyo 2011.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tevez wuxuu badal kusoo galay ciyaarta qeybaheedii dambe, waxaana lagu badalay Sergio Kun Aguero, waana markii ugu horeysay oo uu matalo xulkiisa tan iyo 2011.
Xulka Kubada Cagta Argentina ayaa gaartay guul dirqi ah kadib markii ay garoonka Upton Park kula ciyaareen Croatia ciyaar uu dib ugu soo laabtay xulka qaranka Argentina xidiga Juventus Carlos Tevez.

Anas Sharbini ayaa ka naxsaday xulka Argentina kadib markii uu hogaanka u dhiibay Croatia kulan ay maqnaaayeen badi ciyaartoyda reer Croatia laf dhabarka u ahaa waxaana ka mid ah Mandzukic, Srna iyo Luka Modric.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay hogaanka ku heyso Croatia, balse isku soo noqodkii qeybta labaad Anasaldi ayaa barbaro u keenay Argentina.

Lionel Messi ayaana goolka guusha u dhaliyay markii uu gool u badalay rigoore loo dhigay daqiiqadii 57-aad ee ciyaarta markii goolhayaha Croatia uu qalad ka galay Ageuro.

Argentina oo 18-ka bishaan kula balansan Old Trafford xulka Portugal ayaa gaartay guushaan waxeyna sii joogi doonaan dalka Ingiriiska inta laga gaarayo waqtigaas.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip