Xildh. Aadan Barre: "Al-Shabaab dabinka ay noo dhigayaan Kuma dhici doono, salna kuma lahan Muslimka"

0
Thursday November 27, 2014 - 08:53:19 in Wararka by
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildh. Aadan Barre: "Al-Shabaab dabinka ay noo dhigayaan Kuma dhici doono, salna kuma lahan Muslimka"

    Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay muwaadiniinta Kenya ee masiixiga ah, wuxuuna sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo inaysan jirin muwaadin xaalado nabadgelyo awgood uga guuraya d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay muwaadiniinta Kenya ee masiixiga ah, wuxuuna sheegay in dastuurka dalka uu dhigayo inaysan jirin muwaadin xaalado nabadgelyo awgood uga guuraya degaankiisa.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya ee asalkiisu yahay Soomaaliya in Al-Shabaab ay dooneyso inay kala qeybiyaan dadka Kenyaatiga ah ee heysta diimaha kala duwan, wuxuuna sheegay in dowladda Kenya ay awoodeeda isugu geysay sidii ay ula dagaalami lahayd kooxaha argagixisada ah.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in weerarada Al-Shabaab ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya aanay wax sal ah ku lahayn Muslim iyo masiixi, isagoona hoosta ka xariiqay in dalka Soomaaliya ay maalin kasta ku dilaan dad Muslim ah oo Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Xildhibaanka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee Kenya degan iyo dadka Kenyaatiga ahba inay u midoobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen isla markaana ciidamada ammaanka uga gacan siin lahaayeen soo qabashada kooxaha falalka amni darro ka wada gudaha dalka Kenya.

Waxaa kale oo uu sheegay Xildhibaan Aadan Barre in Al-Shabaab aanay u suurtogeli doonin qorshahooda ay ku kala qeybinayaan dadka Kenyaatiga ah, wuxuuna ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya inay u istaagaan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka guracan ee Shabaabka ay ka wadaan degaanada ay Kenya ka degan yihiin Soomaalida ama Muslimiinta dalkaasi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip