Kooxo hubeysan oo fal laga naxo ka geystay degmada Qoryooley

0
in Wararka by
  • Visits: 4430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo fal laga naxo ka geystay degmada Qoryooley

    Waxaa caawa degan xaaladda degmada Qoryooley oo galabta casir liiqii ay ka dhaceen falal dil ah, kaddib markii kooxo hubeysan bartamaha magaalada Qoryooley ku dileen oday 70-jir ah iyo haweeney u dhaxda wiil uu dhalay odaygaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caawa degan xaaladda degmada Qoryooley oo galabta casir liiqii ay ka dhaceen falal dil ah, kaddib markii kooxo hubeysan bartamaha magaalada Qoryooley ku dileen oday 70-jir ah iyo haweeney u dhaxda wiil uu dhalay odaygaasi. Dilalka oo ka kala dhacay bartamaha iyo duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ka tirsan ayaa la sheegayaa inay la xiriirto aanooyin qabiil.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley ayaa iyagu bilaabay howlgallo ay ku baarayaan kooxihii ka dambeeyay dilalka ka dhacay gelinkii dambe ee maanta.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in beelaha degan degmada Qoryooley qaarkood uu khilaaf soo kala dhex galay, kaasi oo lala xiriirinayo isku dhacyo beeleed oo ku saabsan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada wada degan.

Dhinaca kale dilalka maanta ka dhacay degmada Qoryooley ayaa la sheegayaa inay ku lug yeesheen dagaal beeleedyo lagu riiqday oo dhowaan ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose kaasi oo u dhaxeeya beelaha Biyamaal iyo Habargidir, kaasi oo weli xiisadaha beeleed ay la degeen waxsoosaarka gobolka uu caanka ku yahay.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip