Dagaal xoog badan oo saakay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho

0
Sunday August 03, 2008 - 10:59:17 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal xoog badan oo saakay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho

    Dagaal Culus oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa saakay ciidamada dowlada KMG, kuwa Ethiopia iyo xoogaga Maxkamadaha islaamka ku dhaxmaray qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Culus oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa saakay ciidamada dowlada KMG, kuwa Ethiopia iyo xoogaga Maxkamadaha islaamka ku dhaxmaray qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.


Dagaalkaan oo bilaawday saakay Waabarigii ayaa laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,waxaana dagaalka uu ka dhacay dhowr fariisin  oo Ciidamada dowlada KMG kuwa Ethiopia ku lahaayeen halkaasi kaasi oo ay soo qaadeen xoogaga Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya. 

Goobaha uu dagaalku ka dhacay ayaa ah xaafada Towfiiq Carafaat iyo Garoonka Stadium Muqdisho halkaasi oo dhamaantood fariisin u ah Ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ethiopia. 

Dagaalka oo ilaa iyo  iminka la maqlayo Rasaasta islamarkaana dhinacyadii dagaalamay ay is hordfadhiyaan  ayaa dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  kaasi oo soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay. 

Afhayeenka Ciidamada Maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed Shiikh Cabdi Raxiin Ciise Caddow ayaa Saxaafada u sheegay in dhankooda aysan soo gaarin wax qasaaro ah,waxaana uu sheegay in ciidamadii ka soo horjeeday ay u geysteen qasaaro rooyin kala duwan islamarkaana ay qabsadeen  isgoyska Towfiiq  oo fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada dowlada KMG waa sida uu yiriye. 

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa iminka waxa ay tahay mid aan deganeyn inkastoo dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan dhowr jiho oo kala ah xaafada Carafaat Towfiiq halkaasi oo weli laga maqlayo rasaas goos goos ah taasi oo baqdin ku beertay dadkii deganaa xaafdahaasi oo mar hore isaga cararay sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan dagaalada halkaasi ka dhacayay in ay saameeyn ku yeeshaan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip