Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiiga dhaqaajiyay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed kadib marki uus haaca ka qaaday

0
Tuesday June 30, 2015 - 23:18:18 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhiiga dhaqaajiyay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed kadib marki uus haaca ka qaaday

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka hadlay siyaasada, dhaqaalaha, muranka ku saabsan Badda iyo darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka hadlay siyaasada, dhaqaalaha, muranka ku saabsan Badda iyo darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday arrimaha dhaqaalaha dalka, isagoo xusay in dalka uu ka jiro dhaqaale yari, isla markaana shiling Soomaaliga uu yahay mid gabaabsi ah

"Dhaqaale yarida hadda dalka ka jirta waxaa ay tahay lacagtii Shilinka Soomaaliga aheyd oo Gabaabsi ah iyo Xayiraada la saaray Xawaaladaha Soomaalida Kenya iyo Mareykanka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Hiigsiga sanadka 2016 oo qorshuhu yahay in doorasho ka dhacdo dalka, waxaana uu mar kale ku celiyay in aanay jiri doonin waqti kordhin loo sameeyo dowladda xilligan jirta

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mowqif cad ka istaagtay arrinta ku saabsan xuduuda Badda iyaga iyo Kenya, waxaana uu xusay in haatan dacwadeeda ay taalo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka

"Dowladda Soomaaliya mowqif cad ayay ka istaagtay arrinta ku saabsan xuduuda badda, waa nagula cadaadiyay, waa nagula cabsi geliyay, wax walba dhinac walba nagala tusay, inaan iska gaabsano oo aan iska aamusno nala yiri codkiina inaa kor u qaadaan sax ma ahan ayaa nagula yiri, anaga iyo Kenya shir baa yeelanay, mid labaad yeelanay, ilaa mid saddexaad, kuwa kale oo ku balanay waa suurtoobi waayay, si arrinta looga hadli lahaa, balse waxa hada xaajada loo bandhigay Maxkamadda Adduunka, kiiskeena waa hor-dhignay, walina wuu hor-yaalaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo dhoweyneynayaan deris-wanaaga, isla markaana dhamaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya ay doonayaan inay nabad kula noolaadaan, taasoo uu ku tilmaamay inuu yahay Mabda’a aan marnaba laga tageyn.

Waxaa uu kaloo Madaxweynaha ka hadlay darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xukuumadda, waxaana uu xusay in ka dowlad ahaan aysan taasi raali ka aheyn, isla markaana Guddi soo baara arrintaas ay Xukuumaddu magacawday

"Darbiga xuduuda laga dhigay dowladda Soomaaliya raali kama ahan, Xukuumadda Soomaaliya waa cadeysay Guddi ayay u saartay arrintaas inay soo baaraan, ee ka keenaan xaqiiqda dhabta ah ee jira”ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya sanad-guurada 55aad ee ka soo wareegatay xornimada Soomaaliya, gaar ahaan Munaasabadda 1-da Luulyo markii Gobolada Koofureed ka qaateen xornimada Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Goboladda Waqooyi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip