Qabyaaladi Quud Ma noqoto!

0
Tuesday July 07, 2015 - 00:13:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabyaaladi Quud Ma noqoto!

    Ayaamahan intaan safarta ku jirey Kenya Hargeisa ilaa Tanzania waxaan arkayey Dhalinyaro badan oo faallooyin Qabyaalad huwan is weydaarsanaya weliba si qayaxan oo qaawan..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayaamahan intaan safarta ku jirey Kenya Hargeisa ilaa Tanzania waxaan arkayey Dhalinyaro badan oo faallooyin Qabyaalad huwan is weydaarsanaya weliba si qayaxan oo qaawan..


Horta Aadanaha oo dhami hal aabe iyo hal hooyo ayey kasoo jeedaan, ka dibna labadaas ayey ka tarmeen, dhankaa marka laga eego horta qof isag meel kale oo dadka ka duwan ka yimi ma jiro, taasi waa xaqiiqa cilmiya wixii ka duwanina waa jaahilnimo.

Midda 2aad Qabyaaladda ku faanideedu wexey ka turjumtaa caqli aad u liita, waayo miisaan lagu faano maaha, hadii lagu faani lahaa reer hebel keliya, Abuu Lahab أبولهب reer ahaan waa Quraish, waa Banii Haashim, Haddana Layskuma diidana Hoogga iyo Halaagga u sugnaaday Odaygaas iyo Xaaskiisi حمالة الحطب .. Halka Bilaal oo Xabashi ahna Suubanuhu yiri: Jannada hortayda ayaan sanqadhaada ka maqlaye ii sheeg Camalka aad samaysay!

Midda 3aad waxaa la faliyey dhalinyarta wax baratay ee Aqoon yeelatay ee Adduunku sida uu u noolyahay aragtay, iney ka bogsootey cudurka dilaaga ah ee dadkooda la haray, ee meelna aan ku istaagin, oo kor hadii laga yimaado xaafad walbaa isa sii kala findhicisho, reer qurac hadaad tihiin iyo reer qansax hadaanu nahay, laakiin waa ayaan darro qaarkeen aragga iney indhabeel ka doortaan, iftiinkana mugdiga ka raacaan, aqoonta iyo waaya aragnimaduna aaney wax badan u kordhin.

Midda 4aad sawirka Rasuulkeennu ka bixiyey cidda qabyaaladda iyo isugu faankeeda faaqidda waa sawir aad looga fajoco, waayo wuxuu ku mithaalay bahalka saxarada sanka ku riixa!! Ma qof miyir qaba ayaa jecel inuu sawirkaa ku ekaado?

Midda 5aad haddaad reer hebel ku faanto, ama kulligood amaanto, reer hebelna quursato kulligoodna caydo, miyaadan beenaale ceeboobey oo danbaabey noqonayn? Waayo qola walba dad wanaagsan iyo dad xun ayaa ku jira, xaquna waxa weeye inta wanaagsan ayaa is raacda adduun iyo aakhiro, inta xumina wey is leedahay adduun iyo aakhiro, (الخبيثات للخبيثين والخبيثون للخبيثات والطيبات للطيبين والطيبون للطيبات)
Hadii qoladaada ay ku jiraan ardaal iyo kuwa ilaahay nacay ma qaadaneysaa oo meeshey galaan ma la geleysaa? Dembigoodana ma qaadaneysaa? Taasu caqli iyo diin maaha!

Haddaba sow ma wanaagsana inaad u iilato hadalka xaqqa ah (ان أكرمكم عندالله أتقاكم) markii rasuulka calyhi salaatu wasalaam la weydiiyey (dadka yaa ugu sharaf badan?) wuxuu ku jawaabey (أتقاهم لله) (kooda ugu taqwa badan).

Mustaqbalkeennu dhalinyarow Adduun iyo Aakhiro in badan wuxuu ku xiran yahay sideynu cudurkaa uga fayoobaanno, ee isku daya wixii dadkii hore halaagey inaad ka badbaadaan, jiilalka cusubna ka badbaadisaan..

W-Q, Sh. M. Rashiid.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip