Fashilka shirka Garowe: Qaranka ma ku badelnaa Qabyaalad?

0
Thursday July 16, 2015 - 18:03:25 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fashilka shirka Garowe: Qaranka ma ku badelnaa Qabyaalad?

    Baryahan siyaasadda Soomaaliya xiiso gaar ah ayey ii leedahay waayo waxa qormaya Taariikh. Waqtigu waa gaaban yahay. Waan in aan lumin daqiiqad ka mid ah, maalin ka mid ah,(time is incredibly short and do not waste a minute of it, a day of it)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baryahan siyaasadda Soomaaliya xiiso gaar ah ayey ii leedahay waayo waxa qormaya Taariikh. Waqtigu waa gaaban yahay. Waan in aan lumin daqiiqad ka mid ah, maalin ka mid ah,(time is incredibly short and do not waste a minute of it, a day of it)
Fashilka shirka Garowe oo aan helin dareenka saxaafadda gudaha iyo tan caalamka waxa uu u muuqdaa mid mudan sidaa. Sababtu waxay tahay markii horeba waa la go’aa Inyaw-da Madaxda Puntland.

Doodaha ugu adag ee kulamada RW Cumar Cabdirashiid la yeeshay hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubaland waxa ugu adkaa dooda ku saabsan Galmudug. Madaxda Puntland waxay ku doodayaan in Hal gobol iyo bar aysan dastuurka Federaalka waafaqsaneyn.

Waaayaab!! Puntland waxay ka kooban tahay gobolada Bari iyo Nugaal iyo qeyb ka mid ah Mudug haddii aanan qaldaneyn.

Dastuurka soomaaliya wuxuu qabaa labo gobol iyo wixii ka badan. Laakin dastuurka soomaaliya ma qabo laba gobol iyo bar. Taas waxaa la mid ah hal gobol iyo bar. Dad badan oo aan la hadlay waxay ku sifeeyeen kulanka garowe waqti dhumis waana sida saxda. Siyaasadda Soomaaliya waa mid lagu wareero.

Lama fahmi karo waxa dadka ka maqan oo ay tahay inay helaan. Tusaale dowladda Federaalka, laga soo billaabo min Baarlamaan illaa xukuumadda, Soomaali oo dhan waa u dhan tahay ama waa ku wada jiraan,
haddana Maamulo dhicis ah ayaa dadkii maskaxda ka qabsaday.

Haddii sharciyadda Baarlamaanka Federaalku ka shaqeyn waayaan Puntland iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, maxaa dadka beenta loogu sheegayaa oo loo leeyahay, dowlad ayaa soomaaliya u dhisan.

Si kale, soo Puntland wakiilo kuma lahan Baarlamaanka Soomaaliya. See qof soomaali ah oo caadi ah uu ku aaminayaa markay saas tahay in la yiraahdo sharciyada Hay’addaha Federaalku waxay ku kooban yihiin xamar.

Waa war uu ka dhex-muuqdo Jeermis qabyaaladeed. Soomaaliya iyadaa ka dooratay, qarankii qabyaalad.Maalmahan waxan arkay qaar ka mid ah warbaahinta ka hawlgasha Puntland oo hiiragalinaya madaxda Puntland kuna riixaya inay ku dhawaaqaan. Gooni, isu taag!!!!!!!!!!!!!!;- (Without effective government anything is possible…..Somali people once had effective functioning government they chose tribalism over state and this is the result. It’s not too late to change course and give our people some dignity) Shalay iyo Maanta:Madaxda Puntland waxay hor’muud u ahaayeen shalay arrimaha Federaaleynta Soomaaliya maantana waxa ka muuqda Federaal diidnimo.

Arrimahan waxa dad badan ay u fasiran karaan waxaan rabo oo kaliya ayaa soconaya haddii kale looma dhama. Anigu ma arag meel ay Dastuurka Soomaaliya uga taalo labo gobol iyo bar waxay noqon karaan
Dowlad-goboleed, halka gobol iyo Bar aysan noqon karin isla sidaas.
Maamulka Galmudug sidaan qoraalo badan ku sheegay, waxa ku jira inta badan qabaa’ilada Soomaalida ee wada dega. Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey), waxay ila tahay inuu matali karo danaha dadka degan Jariiban iyo Galdogob, haddii aan Federaalka la qabyaaladeyneynin.

Tusaale, haddii Madaxwayne Gaas uu rabo inuu matalo dadka ku nool Laascaanood waa in uu ogolaadaa in Mudane Carabeey uu matalo Jariiban iyo Galdogob.

Si kale, haddii Madaxwayneha Juba Axmed Madoobe uu matalo, dadka ku nool Gedo, waa in Mr.Gaas iyo Kooxdiisa Juba ay ogolaadaan in Madaxda Galmudug ay matalaan, dadka ku nool qeybo ka mid ah waqooyiga Mudug.

Doorka Jubaland ee arrimaha Puntland iyo Galmudug: Uma arko Soomaalinimo, iyo cadaalad in maanta maamulo jira ay isku bahaystaan hab-qabyaaladeysan.

Soomaaliya waa in ay hora u socotaa oo aysan dib ugu laaban maalmihii mugdiga. Haddiise la waayo muwaafaqo iyo wada-socod, fashilka dhaca kuma ekaanayo reer kaliya ee waa mid saameyn karo qof walba oo Soomaali ah.

Waxaa layaab leh oo aad u fool-xumo ah in dad ka tirsan Maamulka Juba ee Madaxwayne Axmed Islaam ay xitaa qabyaaladeeyeen arrimaha muranka Badda Soomaaliya ay ku Kenya ku hayso, tiiyoo aad ku arkayso Meerayaasha ku hadla afka Maamulada Jubooyinka iyo Puntland qoraalo ay ka muuqato in xitaa arrimihii badda Soomaaliya la galinayo shaki iyo inaan sharciga lagu kala bixin.

Waxaan qiyaasi karaa in dad badan oo Jubooyinka ka soo Jeeda aysan aqbali karin waxa ka jira dhulkaas oo hadda ay Kenya si toos ah iyo si dad badan u maamusho.

Hore Kenya waxay u qaadatay dhul Soomaaliyeed(NFD). Madaxda iyo Taliyeyaasha Baliiska gobolkaas ma ahan dad u dashay deegaanka ee waa Kukuuyo iyo dad laga keenay gobolada Kale ee Kenya.

Hoggaamiyaasha Jubbooyinka waxa la gudboon inaysan ku mashquulin daba oradka, mugdiga badan leh ee Madaxda Puntland. Soomaalidu waxay tiraahdaa, Nin aan Awrka kuu furi doonin Yuusan kuu rarin.

Taa macnaheedu waxa ay tahay in Madaxda Jubaland ay ka fiirsadaan daba-oradka Madaxda Puntland oo ay isku filnaadaan arrimahana si Soomaalinimo ah dhex-dhexaad uga noqdaan haddii kale Soomaaliya waxay ku socotaa, god Mugdi ah.

Federaalka qabyaaladeysan ee Soomaaliya waxa uu halis ku yahay jiritaanka mustaqbalka Jiilka cusub ee Soomaaliya waxana sabab u ah siyaasiinta maanta.

Qore: Mohamed Odowa,
Tel: +252618710824
E-mail: reporter.odowa@gmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip