Websitka ay leedahay Naadiga Ac Milan ayaa shalay lagu qoray in Xidiga Kubadda Cagta Aduunka Ciyaaryahan Kaka loo daaweyn doono si qaas ah Maalmaha soo socdo, jritaan xanuun yar oo jilibka bidax ah ayaa laga dareemaayay Kulanki Maalinti Jimcaha looga badiyay 1 0 ee Kooxda Saville ku suul daartay taas oo looga baqaayo in ay lamid tahay dhaawacii sanadki hore uu ku waayay dhowr kulan.
Naadiga Ac Milan waxaa ka maqnaan doono Ronaldinho and Alexandre Pato oo ku maqan Ciyaaraha Oleympicada Borriello oo isna ka maqnaanaayo labo bilood Garoomada Flipo Insaghi oo isna Xanuun Muruqa ah qabo.
Ciyaaryahanka da’da yar ee Alberto Paloschi ayey haaysataa Ac Milan dhanka weertarka balse la arki doonee sida ay yeesho.
Kooxaha Ingiriiska oo soo wato Ronaldo kale
Halkii uu Hal Ronaldo wadi lahaa Xumaan iyo Samaan Midkood Dalka Ingiriiska ayaa waxaa hadane hawada soo gashay Ronaldihi orjinaalka ahaa ee u ciyaari jiray Naadiyada Psv, Barcelona, Inter, Real Madrid iyo Ac Milan sidaa waxaa qortay Jariirad kasoo baxdo Dalka Brazil.
Inkastoo Wargeeska uu sheegin cida daneyneysa ayaa waxaa ka soo baxaayo in uu ka soo bogsanaayo dhaawaci ka gaaray jilbka bidix sanadki hore.
Ronaldo ayaa la sheegayaa in uu ku soo noqday Ciyaaryahan ciyaari karo laakin wuxuu u baahanyahay in uu jirka dhiso Todobaadyo gudahood, warar ayaa sheegayeen in uu Heshiis lagali doono Naadigiisa Hore ee Psv ama Kooxo ka dhisan Wadamada Brazil ama Jaban laakin wrgeyska ayaa diiday taas oo dhahay wuxuu ka ciyaari doonaa Primier Ship oo uu ebed xiiseyn jiray .
Robinho oo ka codsaday Real Madrid in la fasaxo
Robinho oo usheegay Real Madrid rabitaankiisa ku biirida Chelsea ay la mid tahay sida uu Ronaldo urabo Real Madrid in uu ku biiro Sitimaankaan.
Ciyaaryahanka ayaa ka niyad jabsan la joogitaanka Real Madrid asiga oo usheegay Guddoomiyaha iyo Macalinka in uunan ku qanacsaneyn Naadiga Real.
Kadib markii loo sheegay in codsi kaga yimid Naadiga Chelsea ayuu Robinho iska indha tiray in uu qandaraas cusub la saxiixdo Naadiga Real Madrid.
Ii ogolaada inaan aado Chelsea sidaa waxaa yiray Robinho.
Real Madrid ayaa sheegtay in ay u labo jibaareyso mushaarka uu hada ka qaato kooxda iyadoo sheegtay in uu qaadan doono 4 Milyan oo Bound hadii uu qandaraas cusub saxiixo laakin Chelsea ayaa u gaartay 6 Milyan oo Bound
Tababaraha ayaa sheegay in uu lahadlay Robinho una sheegay in uu yahay mid mihiim ka ah Naadiga.
Hassan Omar Osman (Jaana)
xasanjuungal@hotmail.comEmail:
Tel:- +2521-5541199
Warsheekh, Muqdisho
Kooxaha Ingiriiska oo soo wato Ronaldo kale & Kaka oo Maqnaan Doono Bilaawga Serie A....
Xanuun fara badan oo uu sanadki hore dhib ku qabay ciyaaryahan Ronaldinho iyo Owen Hargreaves kaas oo loo maleynaayo Seed xanuun ayaa soo wajahay Kaka.