FASHILKA DUQA MUQDISHO. "Dood Furan"

0
Thursday April 14, 2016 - 00:26:03 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FASHILKA DUQA MUQDISHO. "Dood Furan"

    Waa dood furan oo dul taagan hogaanka xiligaan ee Gobolka Banaadir iyadoo doodadaana uu bartiisa facebooka soo dhigay Dr Hiraabe oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda had iyo jeer falaan qeeya siyaasada Soomaaliya. Hadaba aqristoo bal ara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa dood furan oo dul taagan hogaanka xiligaan ee Gobolka Banaadir iyadoo doodadaana uu bartiisa facebooka soo dhigay Dr Hiraabe oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed kuwooda had iyo jeer falaan qeeya siyaasada Soomaaliya. Hadaba aqristoo bal aragtidaada ku dar dooda Aqoonyahanka.


Xilka ujeedka loo qabtaa waa maxaay ?? Ma in aad xoolo ku hesho mise xurmo iyo sharaf ??? Mise xildoon aan wax qabankarin oo kursiga isaga fadhiya??? Waxaan aaminsanahay haddii Xassan xil ii dhiibo macnaheeda maaha in aadan damiir laheeyn balse xilka waa in lagu mutaa xurmo,karaamo,sharaf iyo magac,waa in aad kala doortaa in aan noqdo umad u adeeg mise naftiis u adeege,haddii uu yahay nin garasho dheer oo og xilka uu hayo uu magaciisa iyo sharaftiisa wax u dhimaya waxaa quman in uu iska casilo si uu u muujiyo in uusan aheeyn xildoon iyo xooladoon balse uu ahaa xurmodoon jecel in umada uu xilka u hayo xaqooda raadiyo,Xassan Sheekh waxuu intaa u sameeysanaa maruun ku soo noqo xilka Madaxweeyne cid uu xurmo u hayo ma jirto.Allow garadsii Ma-daale iyo inta xilka u hasa Gobolka Banaadir.


Xilka waxaa loo qabtaa in xurmo iyo sharaf aad ku mudato iyada oo la ilaalinaayo jiritaanka shacabka kana tarjumayo masiirkadadka halka aay u socdaan,waxaa lagu shiray Muqdisho oo ah caasimada Somaliya hadana waxaa laga qadiyay shacabka seddexda malyan gaarayaa xaqii aay mudanaayeen, intaba waxeey magac xumi u tahay Duqa ahna G.G.Banaadir.


Haddii aadan umada Muqdisho aadan xaqoodii raadin karin fadlan iska casilo si umada aad hor jooga u tahay ugu muujiso in aad ku guul dareeysatay in aad soo Celiso xaqooda.Inta aad carfeeyso dadkaaga ka mid noqo,waxaan leeyahay ku dhiiranow in dulmiga jiraa aad dhahdaa ma ogoli shacabka Muqdisho si aad uga hesho kalsooni ka badan mida aay maanta kuu hayaan. ALOW SAHAL UMUURAHA.


By: Dr, Hiraabe.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip