Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 ruuxna wey ku dhaawacmeen weerar xoogan oo shalay galinkii dambe lagu qaaday Hotelka Naasa Hablood 1 ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Weerarka oo socday muddo Saacado ah ayaa markii dambe dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay soo afjartay weerarkaasi.
Dadka goobta ku dhintay ayaa u badnaa dad shacab ah oo goobta maraayey sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Dadka ku dhintay Hotelka Naasa hablood waxaa la sheegay in ay kujireen askar katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ,ilaaladii hotelka, dad shacab ah oo goobta maaraayey , sidoo kale dadkii ganacsiyada ku heystay xarumaha kasoo horjeeda Hotel Naaso Hablood oo ay ka mid tahay kaalin shidaal gubatay.
Dadka dhintay ayaa la sheegaya in uu ku jiro dhaqtar Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaano Muqdisho kasoo lagu magacaabo Dhaqtar Ducaale shihiid oo aabihiis horay ugu dhintay Qarax ka dhacay hotelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho.
Faah Faahin Laga Helayo Weerarkii Hotelka Naasa Hablood 1