Darbiga iyo dayacaa kulanka iiga daran!

0
Monday July 11, 2016 - 14:43:20 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Darbiga iyo dayacaa kulanka iiga daran!

    MW Xasan Sheekh ma la kulmay RW Israa'iil Benyamin Netanyahu, mise, la ma kulmin ayey tolkeey ku murmayeen maalnahan oo dhan. Kaliya ma ahan, ee ma bannaan tahay, mise, ma bannaana ayuu muranku ku qotomay?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MW Xasan Sheekh ma la kulmay RW Israa'iil Benyamin Netanyahu, mise, la ma kulmin ayey tolkeey ku murmayeen maalnahan oo dhan. Kaliya ma ahan, ee ma bannaan tahay, mise, ma bannaana ayuu muranku ku qotomay?.


Ani ahaan, aragtidayda qofeed, dan iyo heello ka ma lihi, qofka, qolada, qawmiyadda iyo qaranka uu la kulmayo MW Xasan, marba hadduu u qiblaysto qorrax soo bax walbaQIBLADA QABBAANIYAASHA!Inta kale, aniga agteyda tirsi ka ma lahan iyo tayo.

Nin Xabashtii i xasuuqday xabiib u tahay, oo xabadka ku camcamiya, xiskana kaga wardiya, xiriirka uu Israa’iil la yeelanayo, xiiso igu ma hayo, saa ani xabba ii ma dhibine.

Ogaal, garasho, aqoon iyo aqool aan RW Benyamin Netanyahu ku la kulanno, kaftan, kifaax iyo kood aan ku la yeelan karno, si aan kafaalo uga helno waxlo badan, oo aan maanta uga baahiqabno, si weyn ka daran maalmihii tagay, haddaan leenahay, ciil ma qabeen, waxna iga ma be’een, may iga maba dhibteen.

Nin carab ku xiran, oo addoon u ah iyo la hayste u dabran, qabbirna ay beri hore ku xiratay,ee u dhufanaan, anigu ma filayo, in uu la kulmayo RW Benyamin Netanyahu, ee horta, ma la kulmay, mise, arrintii markabka ku kiraysnaa magaca ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiinna lugta la galay ayaa wax laga weydiiyey, maadaama siyaasiyiintu ay aad uga agdhaw yihiin MW Xasan? Nin la xisaabinayo, la la ma kulmin!

Ogoow, anigu MW Xasan waan ku taageeray aragtida siyaasadeed, ee uu qayb -afka ama addinba – uga noqday dagaalkii Yemen, maxaa yeelay, meel aan uga harno, ku cagajiidno iyo ma jirin marmarsiyo aan aan ku dhuuman karnay.

Waxaan is dhihi karaa, wuxuu ahaa, siyaasadda arrimaha dibadda go’aannadii la qaatay, kii ugu qummanaa, marka la fiiriyo kii xiriirka loogu jaray Iiraan, ee aan na qusayn,waxna ka dhexmarin.

Aniga intaba waxaa iiga wada muhimsan, warka ah, in Israa’iil ay Kiinya gacan ku siinayo, kana siinayso, sidii ay xayndaab sharcidarro ah uga dhisato soohdinta labada dal. Kenya iyo Soomaaliya.

Tan wax ka hadlaya ma arag, ee dadka dhan waxaa lagu mashquuliyey ma kulmeen, mise, ma kulmin? Ma is arkeen, mise, is ma arag? Ma is gacanqaadeen, mise, is ma gacanqaadin?.

Hore Kenya iyo Israa’iil waxaa u dhexmaray heshiis ah, in Israa’iil ay Kenya gacan ka siiso la dagaallanka argagixisada! Ma ogtahay argagixisada Kenya la dagaalayso? Ma taqaan xagjirka ay Kenya dagaalka ku la jirto? Waa adiga sadarradan aqrinaya.Waraa Soomaali! Is ku maqan, ka la maqan, lagu maqan yahay!

Ma ahan mar, labo ama saddax, inta la soo hadal qaaday darbigan Kenya ka dhisi rabto soohdinta, haddana, madaxda lagu muransan yahay la kulanka Benyamin Netanyahu iyo kuwa kalaba, mid ka hadlay ma jiro, oo dhammaan waa ka wada aamuseen, sida ay uga aamusaan xasuuqa Kenya, Xabashi iyo Amisom ku hayso dadkeenna.

Darbiga Kenya dhisayso, waxaa ka sii daran dayaca baahsan, ee dalka ka jira, dadkana ku haysta gudaha iyo dibadda, haddana, madaxdu kaliya waxay ku mashuulsan yihiin, sidii ay xilalka u qaybsan lahaayeen ama ay xoolo u tacban lahaayeen. Bal qiimee, qof masuula, oon mushaar qaadan afar bil, haddana, bishii celcelis ahaan ay ku baxayso qarash kor u dhaafaya kun dollar, xaggee ka soo galaa qarashkaa? Hubaal, musuq iyo laaluush. Sidoo kale, cunid hanti dadweyne iyo maal qaran.

Waxaan xasuustaa, inISLAAXdhaleeceeyeen, buuqna ku fureen MW Xasan Sheekh, oo dalka Masar uga qaybgalayey xaflad caleemo saar ah, oo lagu maamuusayey MWC/fattah Khalil al-Sisi. Waxaa la yaab lahayd waxa dal kale ka dhacay, maxaa naga galay, keennii ayaan u tabar la’ nahaye? Ta kale, casuumad loo fidiyey madaxda dawladda, ma waxay u diidayaan, in xubinIkhwaanah xiran yahay, horeba madaxweyne ha u soo noqdee? Yaab!

 

"Iska daaya eexdee

Urugada na haysaa

Ma indhaha ka laabaa

Ma ka awdo araggaa

Ma Ahleenta guraba

Alalaas Carbeed iyo

Asaraar u guur baa?!”

 

Aan yeelanno, sal iyo mug, ma guurto iyo gun aan laga guurguurin iyo dano is gedgeddiya, hadba duruufta dunida ka jira iyo midda dacalka nagu haysa. Aan yeelanno aragti iyo talo la taabbogelin karo, lana jaanqaadi karta qarniga aan ku nool nahay. Aan hindisno tusmo iyo tub aan ku tallaabsan karno, ee yeynaan tolan tarriiqad aan is ka tarriiqmaya.

Waxaan is weydiiyeey, waxa aan mar walba, u qaadno tallaabo ka dheer taakadeenna ama aan isaga indha saabno habka iyo hannaanka dunidu isu badashay? Garaadkeenna maxaa ka si ah, oo uusan u la qabsan karin, may u aqbali karin, in dunidu is rogtay, oo aan rarkii, raadkii, rukunkii, ruknigii iyo ragaadkii hore midna lahayn rajo?.

Qofka raba, gugan 2016, qarniga 21aad, in uu ku hago hannaanka siyaasadeedka ee dalka, aragtida dagaalkii qaboobaa iyo ayaamihii xornimadoonka, waxaan ku arkaama GUDBE iyo MAALINJOOG!

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip