Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Maanta Lagu Caleema Saarayo Magaalada Baledweyne

0
Monday July 25, 2016 - 09:08:33 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Maanta Lagu Caleema Saarayo Magaalada Baledweyne

    Waxaa magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ka socota diyaar garow ballaaran oo loogu jiro qaban qaabada xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maanta lagu boqro Magaalada , kadib geeridii walaalkii Allaha u naxarii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan ka socota diyaar garow ballaaran oo loogu jiro qaban qaabada xaflada caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo lagu wado in maanta lagu boqro Magaalada , kadib geeridii walaalkii Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ay qaadaceen shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo muddo bilo ah uu hakad ku jiro.

Mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyeyaal hore, siyaasiyiin, safiiro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku qul qulaya magaalada Beledweyn, si ay uga qeyb galaan xaflada caleema saarka iyo caana-shubka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in xaflada caleema saarka ay dhici doonta waqtigii loogu tala galay, iyadoo marka la caleema saaro Ugaaska lagu wado in odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqaan maamul ka madax banaan kan dowladda. 
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip