Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Duqeeyn Xalay Ka Dhacday Magaalada Gaalkacayo

0
Wednesday September 28, 2016 - 13:12:33 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin Ka Soo Baxeysa Duqeeyn Xalay Ka Dhacday Magaalada Gaalkacayo

    Maamulka Galmudug ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka ay duqeeyeen Saldhig ay Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku lahaayeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka ay duqeeyeen Saldhig ay Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku lahaayeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacayo dhanka Puntland ay duqeeyeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacayo oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug.

10-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Mamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Duqeynta ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerar qorshaysan oo deegaanka jeexdin lagu qaaday lagu laayay dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab oo maalmihii dambe isku aruursanaayay deegaanka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip