ERGADA DOORANAYSA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA 2016-2020-KA WAA FADLAN LACAG KU SHUBO !

0
Friday September 30, 2016 - 23:44:10 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ERGADA DOORANAYSA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA 2016-2020-KA WAA FADLAN LACAG KU SHUBO !

    Soo xulida ergooyinkii dooran lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda ayaa xilligaan si xawli leh uga socanaya gudaha Soomaaliya, halgan aad u qaraar ayaa loogu jiraa sidii looga mid noqon lahaa ergadaasi, beelaha badankood ayaa ku guuleystey inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soo xulida ergooyinkii dooran lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda ayaa xilligaan si xawli leh uga socanaya gudaha Soomaaliya, halgan aad u qaraar ayaa loogu jiraa sidii looga mid noqon lahaa ergadaasi, beelaha badankood ayaa ku guuleystey inay soo dhameystiraan ergooyinkii matali lahaa, isbarasho, kala-war qaadasho, wada-tashi iyo sidii ay codkooda u sarifan lahaayeen ayaa balan u ah inta badan ergooyinka la soo gudbiyay.

Xog ururuin la sameeyay ayaa lagu ogaadey in qeybo badan oo ka mid ah ergadu ay ka siman tahay sidii ay ugu dhaa-dhici lahaayeen jeebka Musharax walba oo doonaya inay u codeeyaan, waa la kala galaan-gal badan yahay ergada qaarkood ayaa ku xisaabtamaysa inay urursadaan lambar lacageed oo aan caadi aheyn, qurba joogta la ordaysa boorsooyinka lacageed ee xusul duubka ugu jira inay iibsadaan kursiga Xildhibaanimada beeshooda ayaa diyaar u ah inay dhaqaalahooda ku gataan codadka ergada.

"Iskama helin xubinimada ergada juhdi iyo xoogaa lacag ah ayaa ku baxshay, ujeedadaydu waa sidii aan fursadaan dhaqaale uga abuuran lahaa” ayuu yiri ruux sheegay inuu xaqiijiyay ka mid ahaanshaha 51-ka xubnood ee ergada beeshiisa,” anagga haddaan ergadii nahay odayaasha beesha ayaa wax naga sugaya, anaggana Xildhibaanada ayaan ka qaadanaynaa, xildhibaanadana waxay ka dhiigaysan doonaan Musharaxiinta u taagan Madaxtinimada Soomaaliya” ayuu intaasi raaciyay.

Waa nasiib daro ergadii loo hanweynaa inay noqoto FADLAN LACAG KU SHUBO, haddaba ergadu ma ku saxan tahay mise waa ku qaldan tahay inay lacag ka dhacsadaan dadka isku dilaya in mar uun la yiraahdo Xildhibaan hebel? Fadlan nala wadaag fekerkaaga.

W-Q, Shiiqaalow Xasan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip