Xilibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta Dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa habeenkii xaley ahaa la dhageystay musharixiinta u taagan xilalka qudbadahooda ay kaga hadlayeen waxyaabaha ay qaban lahaayeen.
Musharixiinta ilaa haatan ugu cad cad ama isku soo taagay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaa kamid ah Sheekh Cismaan Barre, Cali Cabdulle Isgoow, iyo Abuukar Xasan Cali.
Sidoo kale xilka Gudoomiye ku xigenka koowaad ee Barlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaa u sharxan Cabdi Xuseen Geeddi.
Dhinaca kale waxaa jiro musharixiin iyaganadoonaya in ay u tartamaan xilka Gudoomiye ku xigeenka labaad.
Amaanka Magaalada ayaa manata si weyn loo adkeeyay iyadoona ciidamo badan lagu arkayo Magaalada.
Waxaa laguwadaa in Magaalada Jowhar ay maanta gaaraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Oo Maanta La Dooranayo
Xilibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta Dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.