War deg deg ah'' Dab weyn oo goor dhaw qabsaday suuqa degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir -

0
Saturday January 21, 2017 - 22:28:35 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah'' Dab weyn oo goor dhaw qabsaday suuqa degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir -

    Dab xoogan oo saameyn weyn ku yeeshay suuqa ugu ballaaran degmada Dherkeenley ayaa goor dhaw qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa sida uu Hiiraan Online goor dhaw u sheegay qof ku sugan suuqa oo aan la hadalnay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan oo saameyn weyn ku yeeshay suuqa ugu ballaaran degmada Dherkeenley ayaa goor dhaw qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa sida uu Hiiraan Online goor dhaw u sheegay qof ku sugan suuqa oo aan la hadalnay.

Goob joogaha ayaa inoo sheegay in dabka uu qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa, gaar ahaan qeybta ugu muhiimsan ee lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha, isaga oo sheegay in hada ay halkaa ku sugan yihiin dadweyne isaga kala yimid degmada oo badan ganacsato doonaya in ay hintooda ka badbaadiyaan dabka.

‘’Goobta waxaa ku sugan gadiid dadka ay ku raranayaan wixii hanti ahaan ee suuqa ka yaalay qeybaha uusan dabka gaarin, sidoo kale waxaa jooga gadiidka dabdamiska oo aan ilaa iyo hada ku guuleysan in ay dabka damiyaan’’ ayuu yiri qofkan la hadlay Hiiraan Online
Suuqa uu dabka qabsaday oo lagu magacaabo Suuq Boocle ayaa ka mid ah suuqyada ugu caansan gobolka Banaadir, oo ay ku yaalaan goobo ganacsi oo dhowr ah.

Dabkan ayaa ku soo beegmay xili sidoo kale isla duhurnimadii maanta dabkan oo kale ah uu ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha hasse haatee lagu guuleystay in markii danbe in la damiyo, lamana garanayo xiriirka ka dhaxeeya dabka suuqa Bakaaraha iyo kan goor dhaw ka kacay suuqa degmada Dherkeenley.
-

Xigasho: Hiiraan

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip