Libaaxii Gobalka Banaadir Oo Ku Soo Biirey Sacbooleyda Muqdisho.

0
Sunday April 16, 2017 - 22:09:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Libaaxii Gobalka Banaadir Oo Ku Soo Biirey Sacbooleyda Muqdisho.

    6-dii bishaan ayaa si kadis ah looga naxsadey in xilkii laga xayuubiyay, lama filaan ayay ku noqotey, isma laheyn waqtigaan ayaa afka ciida laguu dari doonaa, kalsooni buuxda ayuu isku qabey, dharaar cad ayuu Warbaahinta ka sheegay inaaney dhici doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

6-dii bishaan ayaa si kadis ah looga naxsadey in xilkii laga xayuubiyay, lama filaan ayay ku noqotey, isma laheyn waqtigaan ayaa afka ciida laguu dari doonaa, kalsooni buuxda ayuu isku qabey, dharaar cad ayuu Warbaahinta ka sheegay inaaney dhici doonin in xilka looga qaado saaxiibtinimadii kala dhaxeysay Xasan Sheikh darteed, rajo wuxuu ka qabey inuu ummaddiisa u sii adeegi doono.

 
Dhoola tus iyo bandhigyo badan oo lagu muujinayo waxqabadkiisa ayaa Hoteelo kala duwan lagu qabtey ka hor intii aan jagada laga qaadin, cod dheer ayay taageerayaashiisu Madaxweynaha Federaalka uga codsadeen inaanu ku deg-degin xilka ka qaadista Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsiho, baahi in loo qabo ayay far waa-weyn ku qoreen, in fursad la siiyo ayay ku baaqeen, hawlo qabyo u ah inuu soo dhameystirayo ayay ku cel-celiyeen.

Soo jeedintaasi cidna dheg jalaq uma siiniin, rabitaankii taageerayaasha Madaale wuxuu geeriyoodey kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu hoosta ka saxiixay Wareegtadii xilka looga qaadayay Gudoomiyihii hore, maalin madow {Black Day} ayay u aheyd taageerayaasha Madaale maalinitii la shaaciyay in xilka laga xayuubiyay Gudoomiyihii ay ololaha ugu jireen inuu Xafiiska sii joogo.

ku dhawaad Hal (1) Sanno iyo bar ayuu Madaale Madaxweyne ka soo ahaa G/Banaadir, Muddadii uu hogaaminayay maamulka Gobolka wuxuu ku guuleystey inuu sameeyo isbadalo iyo horumar aad loo jecleystey, Wadooyin aad u fara badan ayuu dhisey, xarumo cusub oo ay leedahay D/Hoose ayuu ku soo kordhiyay Magaalada Muqdisho, suuqyo casri ah ayuu ka hirgaliyay Degmooyinka qaarkood, nadaafadda ayuu wax badan ka qabtey, bilicda Magaalada ayuu kor u soo qaadey, waxqabad lagu faani karo ayuu kaga tagey G/Banaadir.

Shaqsi ahaan Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir wuxuu ahaa mutacalim hawl kar ah, geesi ah, go’aan adag leh , xil-kas ah, waaya arag ah, la tashi badan, biseyl iyo heybad Dawladnimo ay ka muuqato, wax-qabad ahaan waxaa lagu xasuusan doonaa inuu ahaa halyeey daacad ah oo si weyn u hormariyay caasimadda Soomaaliya.

Qofna ma dhaliil la’ sidaasi daraadeed Madaale waxaa lagu xantaa inuu shaqaalaha Dawladda Hoose ka wada dhigay kaadiriintii Xisbiga PDP ee uu ka tirsanaa, inuu dhaqaalihii D/Hoose sifo aan xalaal aheyn uu ugu weeciyay soo saarista Xildhibaano ku saf ahaa Madaxweynihii hore, dhaliilaha kale ee loo jeediyo Gudoomiyihii tagey waxaa ugu weynaa bixinta dhulal badan oo Qaranku lahaa IWM.

Madaale ninkii jeclaa iyo ninkii necbaaba iminka albaabka ayuu ka baxey, shaley haddi uu ahaa Libaaxii G/Bbanaadir maanta waa Sacbooleey aan wax xil ah haynin, xalay ayaa Xaflad lagu mac-salaamaynayay waxa loogu qabtey xarunta Aqalka D/Hoose ee Magaalada Muqdisho.

Raiisul wasaaraha Dawladda Federaalka Xasan Cali Kheyre, Wasiiro, Xildhibaano, Sanataro, Taliyayaal ciidan iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa ka soo qeyb galay munaasabadii lagu sii sagootinayay odaygii ka soo ariminayay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay bishii Oktoober 2015 ilaa 06-dii April ee sannadkan 2017-ka.

Ra’iisul wasarae kheyre iyo madaxdii kale ee munaasabadaasi ka hadlay ayaa Gudoomiyihii hore ee ku amaanay dadaalkii uu ku bixiyay hormarka Magaalada, khudbad uu isna halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa aad ugu dheeraadey ka sheekaynta arimihii uu ku guuleystey muaddadii koobneyd ee uu xilka hayay, wuxuuna u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo Maamulkii ay soo wada shaqeeyen, isagoo hoosta ka xariiqay inaanu marnaba hilmaami doonin sida hagar la’aanta ah ee loola soo shaqeeyay.

Habeen taariiq leh ayay xaley aheyd, waa markii ugu horeysay ee xilalka Dawladda federaalka xilli habeen ah lala kala wareego, ruug cadaagii xalay la sagootiyay wuxuu si toos ah uga mid noqdey odoyaashii horey Tarebuunka loo saarey ee Jagooyinkii ay hayeen laga xayuubiyay haddey ahaan laheyd Wasiir ama Talie Ciidan, Mac-salaama Madaale.

Xogda media.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip