Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay agagaarka Aargada Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,isla markaana ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Aargada Dayniile,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacabka oo goobta ka Agdhawaa.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in xiliga uu qaraxa dhacayay goobta ay marayen Kolonyo ay ka socdeen ciidamo talyaani oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhigga oo ku taalla meel ku dhow Aargada Degmada Dayniile.
Sidoo kale waxaa la sheegay in mid kamid ah Gawaarida Kolonyada Talyaaniga lagu dhufta qaraxa,isla markaana halkaasi uu ku rugmaday.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa durbo isku gadaamay Ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwo talyaani ah,iyagoona xiray goobta.
Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay ,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen Qarax,sida uu xaqiijiyay Madaxa Gaadiidka gurmadka degdega ah ee Aamin Ambulance.
Dhinaca kale ma jiro wax war oo kasoo baxay laamaha amniga dowlada Soomaaliya ee ku aadan Qaraxa.
Faah faahin:-Ciidamo cadaan ah oo lagu qarxiyay Muqdisho + Sawirro
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay agagaarka Aargada Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.