Sawirro:-Golaha Iskaashiga M/goboleedyada dalka oo Shir uga furmayo Magaalada Garoowe

0
Saturday October 20, 2018 - 17:32:00 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Golaha Iskaashiga M/goboleedyada dalka oo Shir uga furmayo Magaalada Garoowe

    Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa lagu wadaa in Shir Saacadaha soo socda uu uga furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa lagu wadaa in Shir Saacadaha soo socda uu uga furmo Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul Goboleedyada, sida Madaxweynaha Galmudug,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland oo marti gelinaya Shirka,waxaana ka maqan Madaxweynaha Hirshabeelle oo horey u sheegay in uusan ka qeyb geli doonin Shir ay isugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedyada.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa gaaray Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Shariif Xasan Sheekh Aadan,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),kuwaasi oo halkaasi kaga qeyb galaya Shirkii afraad ee ka furmi dooono Magaalada Garoowe.

Qodobada looga hadli doono Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa kamid ah Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020 iyo arrimo kale.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip