Fariin adeg oo loo diray Musharaxiinta Koonfur Galbeed

0
Tuesday October 23, 2018 - 10:24:36 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin adeg oo loo diray Musharaxiinta Koonfur Galbeed

    Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Musharixiinta looga baahan yahay inay u hogaansamaan guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,isla markaana Musharixiinta raacaan Shuruucda loo dajiyay Doorashada.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa Musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Koonfur Galkeed uga digay inay qalalaaso doorashada ka sameeyaan,isagoona xusay in musharixii ku soo baxa doorashada loo hogaansamo.

Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in 17 Basha November ee soo socoto ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay sharaxan yihiin in ka badan 10 musharax oo uu kamid yahay Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Doorashadaan ayaa ka duwan doorashadii hore ee uu ku soo baxay Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeyay Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip