Mas'uul ka tirsanaa Shirkadda Someat oo Muqdisho lagu toogtay

0
Monday October 29, 2018 - 15:10:00 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul ka tirsanaa Shirkadda Someat oo Muqdisho lagu toogtay

    Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay Mid kamid ah ganacsatada Suuqaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Kooxo ku hubeysnaa bastoolado oo gudaha Suuqa Bakaaraha ku dilay Mid kamid ah ganacsatada Suuqaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in dilka uu ka dhacay Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha,isla markaana loo geysaty Mas’uul sare oo ka tirsanaa Shirkadda Someat oo ah Shirkad hilibka dhoofisa.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Kheyre ,iyadoona ragii ka dambeeyay dilka goobta ay isaga baxsadeen,kadib waxaa halkaasi gaaray oo Meydka ka qaaday qaar kamid ah Ehelada Marxuumka.

Sidoo kae Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada kuwa Booliska Soomaaliya,waxaana ay xireen goobta uu falka ka dhacay,iyagoo baaritaano halkaasi sameeyay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkaan Maanta ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,isla markaana loo geystay Mas’uul sare oo ka tirsanaa Shirkadda Someat oo ah Shirkad hilibka dhoofisa.







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip