DEG DEG:-Qarax Culus oo goordhow ka dhacay Duleedka Muqdisho

0
Sunday November 18, 2018 - 15:14:35 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Qarax Culus oo goordhow ka dhacay Duleedka Muqdisho

    Waxaa Goordhow Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Deegaanka Tareedisho ee Duleedka Magaalada Mqudisho,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Goordhow Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Deegaanka Tareedisho ee Duleedka Magaalada Mqudisho,waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino,isla markaana lalal eegtay Gaari SRUF ah oo marayay Deegaanka Tareedisho ee Duleedka Muqdisho.

Dadka Deegaanka Tareedisho ayaa inoo sheegay in Qaraxa uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux ayaa qaraxa ku dhintay halka labo kalena dhaawac uu ka soo gaaray,waxaana dadka dhaawaca ah loo qaaday Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kuwaasi oo goobta xiray,iyagoo hada wada baaritaano.

Ilaa iyo hada lama oga Cida sida rasmiga ah u laheyd Gaariga la qarxiyay.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip