Garsooraha ayaa James Beeks ku eedeeyay inuu yahay "qof wax micno darro ah ku hadlay" kaddib markii uu sheegay inuu yahay nin "barakeysan oo uusan sharciga qabanin".

Mr Beeks, oo sidoo kale jilaa ah ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay askar ka tirsan FBI-da dhowr jeer ka raadiyeen goobta uu bandhigyada muusiga ku sameeyo.

Waxa uu ka mid yahay ku dhawaad 700 oo qof oo loo maxkamadeynayo rabshadihii dhacay 6-dii bishii January.


Ilaa hadda ma uusan gaarin heer uu ra'yigiisa uga hadlo dacwadda uu wajahayo si uu go'aankiisa ugu muujiyo inuu qirsan yahay dambiga loo heysto iyo in kale.

Marka uu dhageysiga dacwaddiisa ka furmay maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Washington DC, dacwad oogeyaasha ma aysan dooneynin in ay xabsi ku hayaan inta aan la xukumin ka hor, balse waxa uu ku dhawaaday in xabsiga lagu sii hayo kaddib markii uu buuq ka sameeyay maxkamadda dhexdeeda.

Eedeysanahan, oo kasoo jeeda magaalada Orlando ee gobolka Florida ayaa ku dooday inuusan isu noqon karin qareen.

"Ma is matali karo sababtoo ah isla anigii unbaan ahay," ayuu yiri.

Kaddib markii uu Mr Beeks sheegay inuusan qabaneynin sharciga Mareykanka , garsooraha ayaa ku yiri: "Waxaas aad sheegeyso oo dhan waa micno darro."

"Qof eedeysane ah oo diiday hannaanka caddaaladda, diiday in lagu xukumo sharciga Mareykanka, diiday xeerka iyo kala dambeynta lama sii daayo inta uusan xukunkiisa dhicin sababtoo ah qofkaas laguma kalsoonaan karo inuu u hoggaansamo shuruudaha damaanadda," ayuu yiri garsoore Beryl Howell, oo u digayay eedeysanaha.

Mr Beeks wuu beeniyay inuu xubin ka yahay kooxda isku magacowda muwaadiniinta xorta ah, wuxuuna eeddaas ku tilmaamay mid isaga ku ah "aflagaaddo".

Garsooraha ayaa ugu dambeyntii u oggolaaday in damaanad lagu sii daayo isagoo shuruudo uga dhigay: in lagu rakibo qalabka GPS-ka oo sahlaya in la raad raaco, in uusan gacanta ku dhigin wax hub ah iyo in uusan wax macaamil ah la sameynin kooxda loo yaqaanno ballan dhowrayaasha, oo ah urur kasoo hor jeeda dowladda oo la sheegay inuu xubin ka ahaa.

Mr Beeks waxaa isbuucii lasoo dhaafay lagu soo xiray howlgal ka dhacay magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin, halkaasoo ay kasoo qabteen askar ka qayb gashay labo barnaamij oo uu bandhig ku sameeyay.

Baareyaasha ayaa sheegay in Mr Beeks uu maalintii ay rabshadaha dhacayeen xirnaa jaakad ku jirtay heestii uu xiddigga pop-ka qaaday 1987-kii oo la yiraahdo "Bad" world tour, uuna la yimid gaashaan guri ku sameys ah.

Waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu horreeyay ee dhismaha Capitol galay markii ay rabshadaha socdeen, sida ay sheegeen FBI-da.

Mr Beeks, not pictured, is accused of storming the US Capitol in January

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Mr Beeks, oo aan ku jirin sawirkan, wuxuu ka mid yahay dadka lagu eedeeyay rabshadihii US Capitol ee ka dhacay January

Dhowr qof oo ka mid ah eedeysaneyaasha kale ee loo heysto rabshadihii US Capitol ayaa ku dooday in xubinnimada dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta xorta ah uu ka dhigayo dad uusan qabanin sharciga oo aan dacwad lagu soo oogi karin.

Bishii September, haweeney milkiile ka ah makhaayad ku taalla Pennsylvania ayuu garsoore kale oo ku sugan Washington DC amray in la xiro kaddib markii ay u hoggaansami waysay shuruudihii lagu xiray sii deynteeda damiinka ku saleysneyd.

Pauline Bauer, oo iyada kaligeed is difaaceysay, ayaa soo xigatay qoraallo ku jira Bible-ka iyadoo ku carqaladeyneysay hadallada garsooraha maxkamadda, waxayna sheegeysay in ay tahay "qof si xor ah u nool" oo aysan qabanin shuruucda Mareykanka.