1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?
1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.
2-Su’aal Sheeg todobadii Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?
2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas.
4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,
3-Su’aal Sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islam-ka?
3-Jawab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
4-Su’aal Sheeg imisa jeer ayuu Nebiga (NNKH) Cumreestay?
4-Jawab: Wuxu Cumreestay 4 Jeer.
5-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?
5-Jawab: Jawab waxa la-aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.
6-Su’aal Sheeg yaa aas-aasay Magalaada Kuufa?
6-Jawab: Waxaa aas-aasay Sacad Bin Abii Waqaas.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?
7-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 14- aad ee Hijriyada.
8-Su’aal Sheeg sanadkii soomaaliya lagu qabtay shirkii Midowga Afrika?
8-Jawab: Waxa lagu qabtay sanadkii 1971-dii
9-Su’aal Sheeg dalalkii ku buuxiyey Xisaabta Eber (0) ?
9-Jawab: Waa Masar iyo Mesopotomia.
10-Su’aal Sheeg xagee bey u martaa cuntada cunuga marka uu ku jiro caloosha hooyadiis?
10-Jawab: Waxay u martaa Xudunta.
11-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ay siddo kaneecada mideeda dhidig?
11-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Malaariya.
12-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
13-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?
13-Jawab: Waa Dhegta.
14-Su’aal Sheeg wadanka ugu dadka yar. Wadama leesku yiraahdo Igad?
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusino 6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su'aal Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay Qur’aanka soo dagaya uruuriyaan?
2-Su'aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Qur’aanka uruuriya?
3-Su'aal Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
4-Su'aal sheeg Magaca Buurta Afrika ugu dheer?
5-Su'aal Sheeg Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
6-Su'aal Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
2-Jawab: Waa Abuu-Bakar Sadiiq Rc.
3- Jawab: Zayd Binu Thaabit Rc.
4-Jawab: Waa Kalaminjaaro.
5-Jawab: Waa Dayaxa.
6-Jawab: Waa Degmada Taleex ee Gobolka Sool.
Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.
Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay la socdeen casharadii hore.
1-Su’aal Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka saxuuf?
2- Su'aal Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
3- Su’aal Sheeg Nebigii dabka lagu tuuray?
4- Su’aal Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Jubba?
5- Su’aal Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) oo uu maro webiga Shabeele?
6- Su’aal Sheeg xayawaanka aabihiis ka xun hooyadiisana ka wanaagsan
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:- adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….
Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud....qeybtii 20-aad….
Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.