
Qaar ka mid ah soomaalida ku dhaqan magaalada Kuala Lampur iyo kooxo fanaaniin ah oo ka dhisan magalaadaani oo lagu magacaabo Hobolada Walaalaha ee Kuala Lampur ayaa ku soo dhaweeyay fanaankani oo ah markii ugu horeysay ee uu bandhig faneed u qabanayo jaaliyada soomalida ee Malaysia ku dhaqan.
Soomalida Malaysia ku sugan oo intooda badan jooga Magaalada Caasimada ah ee Kuala Lampur ayaa caawa aad u hadal haya inuu fanaankaasi soo gaaray malaysia madaama aysan sanadihii u danbeeyay aysan imaan fanaaniinta qaran kuwasoo madadaalo u sameeen lahaa ardayda iyo qoysaska soomalida ee halkan jooga.
Ibraahin Been Boode oo ka mid ah ragii soo abaabulay imaanshiyaha fanaankani oo aan wareysi la yeeshay ayaa sheegay in kooxda fanaaniinta ah ee Kuala Lumpur ka dhisan ay codsi u direen islamarkaana uu Jaangow tixgeliyay codsigooda sidaasina uu caawa ku soo gaaray Magaaladfa Kuala Lampur.
Ibraahin ayaa waxaa uu intaa ku daray in fanaanka jaangow lagu wado in bandhig faneed uu 5ta bisha soo socota ku qabto Kuala Lampur, lakiinse faahfahin dheeri ah kama uusan bixin ilaa iyo goorta uu fanaankani sii joogi doona Malaysia.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....
Fanaanka Soomaaliyeed ee jaangow oo soo gaaray magaalada Kuala Lampur ee dalka Malaysia
Fanaaanka caanka ah ee Maxamed jaango ayaa soo gaaray maanta magaalada kuala Lumpur iyadoo lagu wado in bisha soo socota uu halkaasi ku qabto bandhig faneed ay ka soo qeyb geli doonaan soomalida ku dhaqan dalka Malaysia.