Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda Putra ee dalka Malaysia, War bixin kooban oo laga diyaariyey Jaamacadaasi (Daawo Sawirada).‏‏

2
Sunday May 31, 2009 - 13:26:25 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa Jaamacadda Putra ee dalka Malaysia, War bixin kooban oo laga diyaariyey Jaamacadaasi (Daawo Sawirada).‏‏

    Jaamacada Putra ee dalka Malaysia waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu waawayn ee dalka Malaysia, waana Jaamacada labaad ee da’ ahaan ugu wayn markii laga reebo Jaamacada Malaya oo iyadu ah Jaamacada ugu da’da wayn dalkaasi,halka Putra da&r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacada Putra ee dalka Malaysia waxay ka mid tahay jaamacadaha ugu waawayn ee dalka Malaysia, waana Jaamacada labaad ee da’ ahaan ugu wayn markii laga reebo Jaamacada Malaya oo iyadu ah Jaamacada ugu da’da wayn dalkaasi,halka Putra da’deedu tahay 78 jir. Waxaa la aasaasay sanadkii 1931 iyadoo noqotay iskuul beereed. Sanadkii 1947 ayaa laga dhigay Kolejka (college) beeraha. Sanadkii 1973 ayay noqotay Jaamacada Beeraha ee dalka Malaysia. Magacaas ayay wadatay ilaa 1997 markaas oo loogu magac darayPutra Ra’isul wasaarihii koobaad ee dalka Malaysia, Alla ya raxma Abdul Raxmaan Putra Al-Haj.

Inkastoo Jaamacada ku bilaabatay kulliyada beeraha, hadana waxay leedahay kulliyado badan oo lagu barto cilmiyo badan. Kulliyadahaas ayaa waxaa ka mid ah Kulliyada caafimaada,Kulliyada Handasada (injineerinka), Kulliyada wax barashada, Kulliyada beeraha, kulliyada xanaanada xoolaha, kulliyada dhaqaalaha, kulliyada Sayniska (science), kulliyada Teknoolajiyada,kulliyada dhirta, kulliyada computerka, kulliyada Teknoolajiyada computerka, kulliyada bay’ada, kulliyada Cilmiga ba’ada, biotechnology,Kulliyada isgaarsiinta, kulliyada cilmiga caafimaadka, kulliyada dhismaha iyo kulliyado kale oo ku saabsan cilmiyo kale.

Jaamacada waxaa dhigto in ku dhow 17,000 oo arday oo dhigta degreega halka in ku dhow 10,000 ay dhigato Maastareed-ka iyo PHD-ga. Jaamacada waxay ku taalaa meel u dhow Caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, taasi ooloo yaqaano Serdang,waxaana tago tareemo kala goosha magaalada iyada oo la helo basas (buses) iyo tagaasi u kala goosha Jaamacada iyo xarunta tareenka.

Jaamacada Putra waxay ku jirtaa Jaamacadaha ugu caansan dalka Malaysia iyo Qaarada Asia, taasi iyadoo loo aqoonsaday inay ku jirto 50 Jaamacad ee ugu waawayn, ugana caansan Asia. Jaamacada waa laga helaa Minxo balse aad ayay u yar tahay,ruuxii helaana waa inuu soo maraa wasaarada waxbarashada dalka Malaysia. Inta badan dadka dhigto way iska bixiyaan fee-ga.Fees-ka loo baahanyahay ayaa ku xiran kulliyada ardayga dhiganayo balse qiyaas ahaan waa 2,200 oo dollar markii qiyaas guud laga bixiyo.

Macluumaadkii ay soo saartay Jaamacada ee ku aadanaa fiiska ayaa sidaasi lagu sheegay bisha aynu soo dhaafnay ee April, 2009.Xarunta wayn ee jaamacada waa kun iyo boqol hictar, taasi oo ah baaxad aad u wayn. Jaamacada Putra waxaa lagu yaqaanaa quruxda xad dhaafka ah,khaasatan geedaha aadka u badan, iyo cagaarka jaamacada leedahay.

Waxay sidaasi oo kale leedahay Hospital khaas u ah iyada,kaasi oo ay tababar kusuubiyaan ardayda dhigato Kulliyada caafimaadka, cilmiga caafimaadka, dawada iyo kulliyadaha la xiriiro. Waa hospital “Referral” ah ama loogu tala galay inlaga suubiyo cilmi baaris dhanwalbo oo ay noqoto.

Hadaba qofkii daneenaayo wuxuu kala soo xiriiri karaa Madaxa isku xirka Ardayda Soomaaliyadeed 0060123360041 ama aqoon114@live.com
 
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip